Yiixaas loo adeegsan doono waardiyeynta xabsiyada Indonesia

0
376

Madaxa hay’adda ka hortagga maandooriyaha ee Indonesia ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu dhiso xabsi ay waardiyaynayaan yiixaas.

Waxaa uu sheegay inuu raadinayo meel jasiirad ah oo lagu dhiso xabsiga noocaas ah.
Budi Waseso waxaa uu sheegay in yiixaaska uu ka wanaagsan yahay aadanaha oo laaluush lama siin karo.
Qorshahan lagu dhawaqay waxaa uu marayaa heer billaw ah, oo weli lama aqoonsan goobta xabsigani laga furayo, iyo xilliga toona.
Dalka Indonesia waxaa uu leeyahay mid ka mid ah sharicayada ugu adag ee ka hortagga daroogada.

Leave a Reply