Faa’iidada Uu Kalluunku U Leeyahay Carruurta Iyo Dadka Waayeelka Ah

0
1503

Daraasadda ayaa sheegaysa in cunista kaluunka ee Caruurta lagu quudiyo ay faa’iido fara badan ka helaan waxa ayna ka hortagaan cudurada iyo mashaakilka Neefsashada ku yimaada ,kaluunka ayaa sidoo kale la ogaaday in uu kordhiyo heerka garashada Caruurta
Caruurta Kaluunka la siiyo waa ay ka garasho badan yihiin kuwa aan la’siisin ,ayaa lagu yidhi daraasaddan cusub oo dhowaan la sameeyay .
Daraasadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in Kaluunka sidoo kale u faa’iido u leeyahay dadka waaweeyn oo ay ka helaan Fitamiinaad gaar ahaan Fitimiinka Omega3 layiraahdo ,sidaa daraadeed dhakhaatiirta waxa ay ku talinayaan in la joogteeyo cunista Kaluunka oo ay si siman u wadaqaataan dadka waaweeyn iyo Caruurta todobaadkiiba laba jeer ugu yaraan.
Daraasadda ayaa sidoo kale inoo faa’iideeyneeysa in Cunista Kaluunka haljeer todobaadkii  faa’iido wax ku ool ah u tahay Maskaxda bini aadamka ,kana bad baadiso in maskaxda ay gaboowdo si deg deg ah.
Daraasadda ayaa muujinaysa
waxay ay muujisay daraasada in dadka isticmaala cunista kaluunka todobaadkii ay hoos udhigtay dhibatada ku timada maskaxda 10%
Dadka qaata cuntooyinka ka kooban kaluunka laba jeer ugu yaraan todobaadkii ay yihiin kuwo ay aad ugu yartahay in xanuuno dhanka maskaxda ah uu soo wajaho 13% laakin maamulka Quudinta iyo Dawada ee dalka Mareeykanka ayaa uga digeeysa haweenka uurkaleh iyo caruurta la jaqsiinaya naaska hooyada  in Kaluun mucayan ah ay qaataan sababtana waxa ay ku tilmaamtay in maadada Zi’baqa ay ku badan tahay
Dhinaca kale, baadhitaano cusub oo la sameeyay ayaa la isku raacay in cuntada ku badan tahay saliida nooca lee yaqaano “Omega 3” oo aad ugu badan nooc ka mid ah malaayga (Kaluunka) inay yareyso maskax beelida (dementia).
Cuduro badan oo ku caan baxay maskax beelida sida “Parkinson Disease”, “Alzheimar Disease” iyo “Pick’s Disease” ayaa waxa ay u noqoneysaa talaabo cusub oo lagu hortagayo inuu cudurkaan sii qalaafto bukaano hor leh.
waxa kaloo salidaan laga helaa khudaarta iyo fruutka, lakin qofkii cunaa kaluun usubuuciiba hal mar waxa ay yareynaysaa qatarta maskax beelida 40%.
Inkastoo saliidaha qaar ay mushkilad sii siyaadineyso sida “Omega 6” oo laga helo ubaxa gabaldayaha.
Saliida “Omega 3” oo kamid ah saliidaha muhiimka u ah jirka biniaadanka ayaa laga helaa “anti-oxidants” oo ka hortagto inuu naawac gaaro unugyada maskaxda.
 

Leave a Reply