Dhacdo ka Turjuntay Labada Weji Ee Saxaafadda Loo Adeegsado

0
310

Markii uu marayay beeraha Newyorka dhexdooda ayuu si kedisa ah isha ugu dhuftay Ey weyn oo soo weeraray gabadh yar. Isla markiiba wuu ku cararay si uu uga badbaadiyo , dagaal adag ayaa dhex maray isaga iyo Eyga weerarka ahaa.
Laakiin dagaalkaasi ka dib Eygii wuu dilay, nin booliska ka tirsan ayaa arkayay dagaalka dhex maray ninka iyo Eyga iyo sida geesinimada leh ee u badbaadiyay gabadha yar. Askriga ayaa ku yidhi : “Waxaad tahay geesi, berri subax wargeyska ayaan ku soo qorayna qisadan annagoo cinwaan uga dhigayna :  “ Nin geesi ah oo reer Newyork ayaa ka badbaadiyay gabadh yar geeri.”  Ninkii ayaa ku yidhi “Anigu laakiin  Ma ihi reer Newyork.” Askarigii ayaa yidhi dhib ma leh warku wuxuu noqon doona “Nin Maraykan ah oo geesi ah ayaa ka badbaadiyay gabadh yar geeri.”
Ninkii ayaa ku yidhi “Anigu Maraykan umaan dhalan.” Askarigii oo yaaban ayuu ku yidhi “ oo hadda xageed u dhalatay ?.” Ninkii ayaa ugu jawaabay Bakistaan.  Subixii dambe warkii wargeysyada ku soo baxay cinwaankiisu wuxuu ahaa “Nin Muslim ah oo xag jir ah ayaa dilay Ey Maraykan ah  oo aan waxba galabsan”. Saxaafaada ayaa marba sida la doono loogu adeegsadaa dhacdo isku mida ,waan seeftaasi labada af  leh.

Leave a Reply