Shimbir Iskii Nafta Isaga Jara Marka Uu Bukoodo!

0
1241

Xayawaanka dunida ugu dheereeya ayaa noqday shimbirka Baaska, kaasi oo shimbiraha oo dhan iyo dhammaan xayaawanada kale ka dheereeya.
Shimbirkan ayaa la sheegay inuu saacaddii jaro qiyaas dhan 386 Km. Baaska ayaa sidoo kale la sheegay inuu yahay shimbir ugaadhsiga ku wanaagsan, isagoo cuna shimbiraha yar-yar, xamaaratada iyo xataa xayaawanada naasleyda ah qaarkood.
Shimbrika Gorgorka ayaa isna noqday kan ku xiga xawaaraha isagoo la sheegay inuu saacadii isuguna jaro 321 km.  Shimbirka Gorgorka wuxuu ugaadhsadaa xayawaanno badan oo ah shimbiraha iyo naaslayda dhulka ku noolba. Waxa kale oo iyana aqoonyahanada baadha cilmiga noolaha (Biology) ay caddeeyeen in Gorgorku yahay mid cimrigiisu gaadho 100 sanno, inkasta oo uu haddana yahay noolaha iskii nafta iska jira marka uu bukoodo.

Leave a Reply