Saacad Qiimaheedu Yahay 7.3 Malyuun Oo Dollar!

0
327

Shirkadda Patek Philippe ee dalka Switzerland ayaa maalintii Sabtidii la soo dhaafay, soo bandhigtay saacad lagu daray liiska saacadaha dunida ugu qaalisan, ka dib markii qiimaha xaraashkeedu oo lagu qabtay Jinefa  uu gaadhay 7.3 malyuun oo dollar.
Saacadan ayaa ka samaysan bir,  sumadeeduna waa A.5016 , waxaana la sameeyay sannadkii 1927kii. Saacadan ayaa leh khariidada dhulka iyo xidigaha.
Xarunta watish oo ah mid samfal ah ayaa labadii sannaba mar qabata hawsha inay ururiso kaalmo lagu bixiyo hawlaha samofalka. Waxaana ay soo ururisaa alaabooyinka caanka dunida ka ah. Sannadkan lacagta saacadan ka soo baxda waxay ku bixin doontaa cilmi baadhis lagu samaynayo sidii dawo loogu heli lahaa xanuunka muruqyada fadhiisiya.

Leave a Reply