Xeel-dheereyaal Sucuudi Ah Oo Soo Bandhigay Daraasad Muujinaysa Sababta Caruurtu Uurka Ugu Dhintaan Dunida Carabta

0
317

khubarro caafimaad oo ka hawl-gala cisbitaalka ugu caansan dalkaasi Sucuudiga ee King Faisal Center,qaybtiisa cilmi baadhista ayaa soo bandhigay daraasad ay sameeyeen oo ka hadlaysay sababta keenta inay caruurtu  haweenka Carbeed kaga  dhintaan caloosha intooda badani.
khubarradan oo wadey in muddo ah daraasadan ayaa sheegay in uu jiro unug sababa dhimashada caruurtaasi,kaas oo lagu magacaabo Tefrthbio,kaasa oo ah ka keena inuu ilmahaasi dhinto.
Kooxda fulisay daraasaddan ayaa sheegay in unugan oo kamid ah unugyada haweenku uu sababo dhimashada caruurtaasi ee caloosha ku dhinta.
Waxaanay intaasi ku dareen  in ay keento unugaasi inuu noqdo mid fal-geli kara iyada oo dumarka iyo ragga is guursadaa ay yihiin kuwo isku caa’ilad ah,taas oo sidoo kale keenta inay isku talaalmaan unugyo badan oo dhaxal sideyaal ah ,kuwaas oo waalida la xidhiidha ,dhaliyana xanuuno ay caruurtu dhaxasho.
khubarradan ayaa sidoo kale sheegay inay haweenku la kulmaan bacrimin beenaad ay sababto ama ay keento caa’iladnimadda  ninka iyo gabadha.
Sidoo kale Aqoon-yahanada  ayaa sheegay in unuga lagu magacaabo Jane ama TLE 6 uu yahay ka sababa isna dhimashada caruurtaasi,waxaanay khubarradani sheegeen inay dhankooda isku deyayaan inay xaliyaan dhibaatadan,loogana baahan yahay bulshadda inay kala fogeeyaan dadka is guursanaaya.

Leave a Reply