Odaygan oo u dhashay dalka Hindiya ayaan cidiyihiisa gaabin muddo 60 sanno. Ninkan oo ku nool magaalada Bion laguna magacaabo Sheradehar Sheilla ayaa sheegay in markii ay daโdiisu ahayd 29 sanno uu iska daayayย inuu jaro cidiyahiisa, iyagoo hadafkiisu ahaa in ku galo buugga Genius-ka.
Markii uu gaadhay 80 jir eeย lagu daray buugaasi ayuu cidiyaha iska jaray , waxaana ay dhererka cidiyaha gacantiisa bidix gaadheen 909.6 CM, marka la isku daro farahiisa oo dhan. Suulkiisa oo keliya ayaa dherekiisu noqday 197.5 CM. Waxaana uu sheegay inuu goโaansaday in markii uu gaadhay 80 sanno inuu cidiyaha iska guro isla markaana lagu hayo matxaf lagu kaydiyo. Odayga ayaa la siiyay shahaadada qofka ugu cidiyaha dheer dunida.























