Xaflad Aroos Oo Aan Hore Loo Arag!

0
381

Lamaanahan oo u dhashay dalka Turkiga ayaa xafladdii arooskooda ku qaatay xarun ay ku nool yihiin dadka ka soo qaxay Suuriya ee degan xadka u dhexeeya Suuriya iyo Turkiga. Lamaanahan ayaa dadka qaxoontiga ah iyo ubadka yar-yar ee ay  booqdeen u qaybiyay raashin lagu qiimeeyay 4 kun doller.
Lamaanahan oo dadkaasi la hadlay ayaa yidhi “Inaad aragto carruur farxsan maaha wax lagu qiyaasi karo qiiime lacageed, waxaan hawshan u samaynay si aan idiinla dareen noqono.” .Dadkii qaxoontiga ahaa  ayaa iyana uga mahad naqay kaalmadooda iyo dareenkooda. Lamaanahan ayaa arooskooda halkaasi ku soo dhamaystiray.

Leave a Reply