Xafladii Waxay Ku Timi Awr

0
338

Gabadh lagu magacaabo Daisy Fawcett oo  Ingiriiska u dhalatay kana qalin jebisay waxbarashadii sare ayaa xaruntii xafladda qalin jebinta ku tagtay iyadoo fuushan Awr.  Gabadhan ayaa doonaysay in xafladaasi ku soo jeediso indhaha bulshadda iyo saxaafadda.
 
Gabadhan oo iyadu jecel xanaanada xayawaanka ayaa soo xidhatay dirayskii qalin jebinta iyadoo fuushan awrkaasi oo aad u faraxsan isla markaana qoslaysa, taasi oo keentay in saxaafadda iyo dadkii ka soo qayb galay xaflaldda ay sawiro ka qaataan.
 
Sawiradaasi ayaa qaatay 30 daqiiqo oo wakhtigii xafladu socon lahayd ahaa.  Asxaabteeda ardayda ah ayaa aad ula yaabay sida ay fikradan cajiibka ah ee soo jiidatay indhaha iyo niyadda bulshadda uga fikiratay. Gabadhan ayaa Awrka ay fuushanayd ku soo quruxisay dharka iyo calaamadaha qalin jebinta.

Leave a Reply