Aabo Hindiya Oo Kelidiisa U Iibinaya Caruurtiisa

0
339

Dalka Hindiya Aabo dhalay saddex caruur ah ayaa goostay inuu iibiyo kelyihiisa midkood si uu masaariif iyo kharash caafimaad uga dhigo caruurtiisa. Sida lagu daabacay Wargeyska Daily mail ee Ingiriiska Mr. Ramishphai Nadoana ayaa arinkan u samaynaya si uu caafimaad ugu raadiyo caruurtiisa oo uu ku dhacay xanuunka buurnidu , taasi oo dhib ku haysa.
Ilmaha ugu yar caruurtiisa oo 18 bilood jiray ayaa miisaankiisu gaadhay 15 kg, halka walaashiisa yar oo iyana 3 sano jir ah uu miisaankeedu yahay 47 kg, iyadoo inanta kale oo iyana ah 5 sano u miisaankeedu gaadhay 33 kg. Caruurtan ayaan awood u lahayn socodka inkasta oo ay da’doodu yar tahay.
Dhakhaatiirta magaalada Gujarat  ee dalkaasi Hindiya ayaa awoodi waayay inay caafimaadka caruurtan wax ka qabtaan. Aabaha ayaa aad uga cabsi qaba in buurnidaasi ay  sabab u noqoto geerida caruurtiisa.

Leave a Reply