Qiso: Dayn Aan Suurtagal ahayn In La Bixiyo

0
341

Wiil dhaliyaro oo hooyadii aad u caawin jiray ayaa weydiistay 200 Riyaal si u ugu dabboolo baahiyiisa, laakiin waxay u sheegtay in aanay hayn oo biilkii todobaadku dhamaaday. Wiilka ayaa cadhooday isagoo u arkay in aan waxba loo ogolayn.  Fiidkii iyadoo madbakha raashinka ku diyaarinaysa ayuu u dhiibay warqad ay ku qornayd:
Gurigii nadiifintiisa todobaadkan  70 Riyaal, Sicirka suuqa aan alaab ka soo qaaday 20 Riyal, markii ciyaarsiisay walaalka yar 20, Kaalmadii gaarka ahady ee aan adiga kuu qabtay 20, Nadiifintii guriga 70 , isugeyna waa 200 Riyaal. Isagoo ku soo xidhay “ Hore u siiyay mushqaayada “kuwa idiin sheqeeyay inta aanu dhididkoodu qalalin”.
Hooyadii ayaa akhriday oo qososhay , qalin ayay soo qaadatay waxayna ku qortay :   Qiimaha 9 bilood oo aan uurka kugu siday  sicir maleh, Sicirka caanaha aan naaskayga ka siiyay 20 bilood, qiimah xafaayadihii aad isticmaashay, Qiimaha habeenadii aan kuu soo jeeday, qiimaha raashin, dhar, hurdo. Waxayna ku tidhi wiilkaygiyoow isku dar oo qiimayso. Wiilkii ayaa hooyadii dhunkaday oo ku yidhi i saamax. Waxaana uu ku qoray warqadii “ Dayn aan suurtagal ahayn in la bixiyo”

Leave a Reply