Culimada Taariikhda Oo Helay Rasaas Ay Boqortooyooyinkii Ruushku Isticmaali Jireen

0
328

Culimada taariikhaha ee wadanka Ruushka ayaa markii ugu horeysay baadhiso ay ka sameeyeen gobolo dalkaasi kamid ah waxay ku heleen rasaas kamid ah rasaastii ay isticmaali jirtay boqortooyadii Duke Dmitry (Eldonsqui).
rasaastaas oo ahayd mid isugu xidhnayd ama isu dhinac taaley xidhmo xidhmo ayaa laga helay goobo lagu samaynaayey baadhitaano dhanka qodaalada ah,iyada oo ay wehelinayeen dahab iyo lacago tiro badan oo dhulkaas iyagana laga helay.
waxa kale oo laga helay goobtaas fureyaal daxalaystay ,kuwaas oo ku jiray god u dhow meesha laga soo saaray hubkaas rasaasta ah iyo sidoo kalena lacagtaasi,iyada oo ay gaadhayaan ilaa 300 oo qaybood,kuwaas oo la sheegay in la isticmaali jiray qarniyadii 14-naad ilaa 15-naad.
kooxdan taariikh baadheyaasha ah ayaa sheegay inay rumaysan yihiin in goobtan ay ka heleen rasaastu tahay goob ay deganaan jireen ciidamadii boqortooyada iyo badhsaabkii degaanka ee boqortooyadaasi.
goobtan ayay ku sheegeen khubaradani inay ahayd goob laga difaaci jiray boqortooyadan oo ay colaadi kala dhaxaysay wadamada ay jaarka ahaayeen,kuwaas oo ciidamo ka deganaayeen meelo aan sidaasi usii fogayn marka loo eego goobtan.
 
 
 

Leave a Reply