Baanka Addunka ayaa todobaadkan dhamaadkiisii ku dhawaaqay qorshe cusub oo ficil ahaan lagu muujinayo sida loogu baahan yahay in la kordhiyo adkaysiga cimilada hoosna loo dhigo qiiqa kaarboonka, talaabadaas oo horumar u ah xafidaada qaaradda Afrika, sida ay baahisay xarunta warbaahinta Qaramada midoobay (UN News Center.).
Mr , Benoit Bosque too ah madaxa Baanka adduunka ee hawlgalada dhinacyada deegaanka iyo kheyraadka dabiiciga ah oo u waramay Shabakadda wararka ee qaramada midoobay ayaa ka hadlay saamaynta ay isbedelka cimiladu u leedahay Qaaradda afrika oo ah mandaqad soo koraysa, waxana isagoo arimahaa ka hadlaya uu yidhi sidan: “Cawaaqibka isbedelka cimiladu ku leeyahay qaaradda afrika waxay khatar gelinaysaa malaayiin ruux oo ay suurogal kaga dhigayso inay haleesho xaalad faqrinimo oo aad u hoosaysa marka la gaadho sanadka 2030”
.Qorshahan waxaa la sii dayn doonaa marka la isugu yimaado shirweynaha caalamiga ah ee cimilada oo Magaalada paris ee dalka Faransiiska ka furmi doona dhamaadka bishan.
Sida laga soo xigtay baanka adduunka qorshaha cusub waxa uu dedejinayaa horumarinta talaabooyinka wax lagaga qabanaayo isbedelka cimilada hoos-na loogu dhigayo qiiqa Kaarboonka.
Ujeedada laga leeyahay qorshe hawleedka isbedelka cimilada afrika waxa ugu waaweyn in fiiro gaar ah loo yeesho saamaynta uu isbedelka cimiladu keenayo iyo in la helo awood lagu ururin karo kheyraadka qaaradda oo ammaan ka ah dhibaatooyinka ka yimaadda arintaasi, isla markaana la isku duwi karo oo la midayn karo dhaqdhaqaaqyada ku saabsan wax ka qabashada isbedelka cimilada.
Mr Bosquet waxa uu sidoo kale ka hadlay kaalinta uu Baanka adduunku ka qaadan doono wax ka qabashada dhibaatooyinka ay maalinba ta xigto keenayso isbedelka cimiladu iyo sidii dhaqaale ku filan loogu heli lahaa hawshaasi waxana uu yidhi sidan: “In maalgelin loo helo farqiga weyn ee jira iyo baahida loo qabo waxqabad degdeg ah, Baanka adduunku waxa uu diyaariyey qorshe hawleedka cimilada afrika,kaas oo talaabo muhiim ah u ah wacyigelinta helitaanka miisaaniyadda cimilada si loo dedejiyo wax ka qabadka ay u baahan tahay isbedelka cimilada Afrika oo ah shaqooyinka loogu horaysiinayo marka la doonayo horumarin ay hesho qaaradu.”
Sida Qorshanai dhigayo dhibaatooyinka aasaasiga ah ee dhanka cimilada kaga yimid wadamada afrika caqabadana ku noqday sidii ay wax uga qaban lahaayeen xaaladaha faqriga ee jira waxa sabab u ahaa heerka ay gaadhsiisan tahay cimilada sii kululaanaysaa iyo cabsida laga qabo qiiqa gaaska ee hawada gelaya maalinba ta xigta oo keenaya inay cawaaqib xun yeelato cimilada isa sii bedelaysa ee sii kululaanaysa iyo shakiga weyn ee ku gedaaman saamaynta isbedelkani ku leeyahay deegaanka, cimilada iyo wareega biyaha.
Wakhtigan xaadirka ah maalgelinta lagu bixiyo wax ka qabashada isbedelka cimiladu waxay u dhigantaa sanadkiiba 3 bilion oo Doolarka Maraykanka ah, kharashkaas oo ah mid aan ku filnayn baahiyaha jirta, isla markaana aan waxba ku kordhinayn xalinta baahiyaha mustaqbalka iman kara
Qorshan cusub ee baanka adduunku waxa uu qiyaasayaa in ilaa sanadka 2020 loo baahan yahay celcelis ahaan dhaqaale gaadhaya 16 Bilion oo Doolarka Maraykanka ah si loo fuliyo qodobada uu ka kooban yahay qorshani, dhaqaalahaa oo ku dhowaad 6 bilion oo ka mid ahi ka imanayo Hay’adda caalamiga ah ee horumarinta International Development Association (IDA) baaqiga kalena laga heli doono ilo kale sida hay’adaha maalgeliya wax ka qabashada isbedelka cimilada iyo shirkadogaar loo leeyahay, iyadoo Qorshahan cusub midho dhalkiisa la filayo in la helo dhamaadka sanadka 2015.