Markii odayga iyo wiilkiisa oo 25 sanno jir ahi ay tareenka raaceen aad ayuu wiilku u faraxsanaa. Markii uu dhaqaaqay tareenku wuxuu ku yidhi aabihii “Aabo waa sidee dhirtii ayaa ordaysee”? Haddana xayawaano ayuu arkay , aabo waa maxay kuwanina ? Laba dumara oo agtiis fadhiyay ayaa u adkysan waayay oo odaygii ku yidhi “ Inanka maxaad u geyn weyday dhakhtar haddiii u sidan u buko ?
Odayga ayaa ku jawaabay “ hadda ayaanu ku soconaa dhakhtarka, waayo wiilkaygani imika ayuu wax arkay weligii , hore wuu indha la’aa! Wakhtiyo badan waxaynu la degdegaynaa su’aal, inagoo dhaawacayna dadka kale”.