Noloshaada Adiga Ayaa Bedeli Kara!

0
464

Subax hore ayay shaqaalihii shirkadu yimadeen goobta shaqada, waxayna ku arkeen Albaabka muhiimka ah ee laga galo Shirkadda boodh ay ku qoran tahay:” Xalay waxa dhintay qofkii hortaagnaa horumarkaaga iyo horumarka shirkadda, waxaan rajaynayaa inaad iman doontan hoolka Maydku yaallo”. Markii ugu horaysay shaqaaluhu way ka naxeen dhimashada mid ka mid ah shaqaalahooda, laakiin haddana muddo yar ka dib shaqaaluhu waxay ogaadeen qofkaasi hortaagan horumarkooda iyo kan shirkdooda.
Shaqalaha ayaa bilaabay inay galaan hoolka uu yaalay naxashka uu ku jiray maydku, oo ay  ciidanka amaanka shirkadu la wareegeen si qof kasta markiisa ay ugu sii dayn lahaayeen inuu arko naxashkaasi.
Qof  kastaa marka uu eego Naxashka waxa uu noqdaa isagoo yaaban oo aan hadli karayn. Maxaa ku jiray naxashka?  Kafanta naxashka dhex taallay  marka uu eego waxa dhex taallay Muraayada weyn oo si weyn ugu muujisa muuqaalkiisa, dhinaceeda waxa yaalay boodh yar oo ay ku qornayd “ Dunidan waxa jira hal qof oo keliya oo xaqiijin kara hamigaaga iyo riyadaada kaasina waa kan muraayadda kaaga muuqda waana adiga, ”  Noloshaadu isma bedelayso haddii la bedelo maamulahaaga , saaxibada, gabadhaada  ama goobta shaqada. Noloshaadu waxay is bedelaysaa marka aad adigu is bedesho. Haddaba ka faa’iidayso awoodahaaga hana ka baqan culaysyada noloshu leedahay. Horumarku wuxuu ku jiraa fikirkaaga, dadaalkaaga iyo guud ahaan naftaada.   “you are the only one who can change your life”.

Leave a Reply