Guddiyo Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Oo Socdaalo Ugu Kala Baxay Burco Iyo Berbera

0
363

Berbera (Dawan): Guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha Wakiiladda Somaliland ayaa shalay  kormeer  ku tegay magaaladda Berbera,  waxaanay  soo  kormeereen  xafiisyadda hay’adaha dakhli soo saarka ee ku yaalla magaaladaasi.
 
Gudiddu  waxay   kulamo la yeesheen masuuliyiinta dekedda Berbera,  kuwa  dawlada hoose iyo kastamka Berbera, waxaanay   wax ka waydiiyeen  masuuliyiinta hay’adaasi sida ay u  socdaan  shaqadda ay qaranka  hayaan iyo  caqbadaha   hor taagan.
 
 
Guddoomiyaha gudida dhaqaalaha  ee golaha wakiiladda Cumar Axmed Sanweyne,   oo warbaainta  la hadlay kadib kulamadii ay xafiisyadaasi  la yeesheen   waxaanu  sheegay in socdaalkoodu la xidhiidho sidii ay ugu kuurgali lahaayeen hay’adaha dakhli soo saarka ee gobolka Saaxil.
 
Xildhibaan Cumar Axmed Sanwayne,   oo faahfaahin ka bixinayay u jeedadda socdaalkooda iyo masuulyiinta ay kulamadda la yeesheen, waxa  uu yidhi “Hawshan aan u soconaa waa hawl qaran,  ilaha dhaqaaluhu ka soo baxaan iyo miisaaniyadu ayay ka mid tahay Berbera,  oo ay  ugu horaysaa   wadanka oo dhan. Markaa  haddii aanu miisaaniyadii sanadka gacanta ku hayno oo golaha wakiiladda la keenay sanad wal bana waxaanu tagnaa ilaa dhaqaaluhu ka soo baxaan dalka.   Waanan   tagnaa waxa aanu soo marnay kastamka magaaladda Berbera,  dekedda  iyo  dawlada hoose”.
 
“Waxaanu    la soo kulanay masuuliyiintii hay’adahaasi  maamulayay,  arrimahaasi oo dhan waxa uga soconaa in aanu eegno baahiyaha hay’adahaas.  Waayo  miisaaniyadda wax baa ugu jira,  arrinta  aabad ee aan wadnay waxa  weeyi  xeerar ayaa jira cusub oo golaha wakiilada la keenay,  oo aan gudo gali doono oo kale ah xeerka kastamada oo ka hadlaya qaynuunkii kastamada wadanka io kii maamul wanaaga waa xeerar huhiima oo badalaya xeerarkii hore ee jiray badalaya”ayuu yidi xildhibaan Sanweyne.
 
 
Dhinaca kale gudi hoosaadka arrimaha bulshadda ee golaha wakiilada ayaa shalay socdaal ku tegay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer,  waxaanay soo kormeereen xarunta Wasaaradda waxbarashada ee gobolka  Togdheer iyo dugsiyada magaalada Burco.Waxaanay  gudiddu  kulamo la yeehseen madxda wasaaradda waxbarashada ee gobolka Togdheer oo ay wax ka waydiiyeen habsami u socodka waxbarshad Togdheer iyo wixii caqabado ah ee jira.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply