Wasiirka Waxbarashada oo ka Hadlay Tayo Xumo ka Jirta Goobaha Waxbarashada Dalka

0
412

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Waxbarashada Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane, ayaa sheegay in waxbarashada ay cidhiidhi geliyeen hay’addo iyo dugsiyada gaarka loo leeyahay oo mid kasta man-haj shisheeye sito.
Wasiir Habbene oo ka hadlay kulan lagaga hadlaayey qorshaha jaamacadaha ee shanta sanno ee soo socota, ayaa tilmaamay in aanay jirin dawlad awood leh oo cilmi-baadhis ku samaysa tayada waxbarashada sare, balse loo baahan yahay in la wada tashado.
“18 Sanno ka hor ayaynu furnay Jaamacad ilaa maanta way socdaan ,inaynu cilmi-baadhis ku samayno weeyi maxaynu 18-ka  inoo qabsoomay,dawlad xoogan oo cilmibaadhistaa samaysa ma lihin,laakiin aynu wada tashanno ayaynu kaga baxaynaa”ayuu yidhi Md Cabdillaahi Dheere.
Wasiirka Waxbarashadu waxa sheegay in waxbarashadii noqotay baayac-mushtari, waxaannu yidhi; “Waxbarashadii waxa cidhiidh galiyay hay’addo yaryar (19 Hay’adood ayaa ku xidhiidhsan waxbarashada) haddana wax muuqda oo waxbarashadii iska bedelayaa ma jiraan,dhinaca kalena dugsiyadii gaarka ahaa oo mid waliba manhaj gaar ah wato taasi ayaa xun. Ma lagu dhisi karaa qaran. Yoolkeenu ha ahaado qaran mida oo hal manhaj leh laga bilaabo dugsiga hoose ilaa jaamacadda, qaar badan ayaa manhajyo shisheeye sita, iib gayn ayay noqotay waxbarashadu, tacliinta aynu ka dayno baayac mushtaraynta,waa inaynu dhammaanteen wada shaqaynyo oo aynu ubadkeena u shaqaynayo.
Wasiirku waxa uu Jaamacadaha u soo jeediyey in ay iska hubiyaan ardayda iyo macallimiinta ay qadanayaan si tacliintu tayo u yeelato. “Waxa weeyi inaynu hal u jeedo yeelanyo inaynu hal dariiq u wada marno aayaha mustaqbalka carruurteena, nidaamka la raacayo waynu ka doodi doonaa. Ardayda soo galaya jaamacadda waa inuu haystaa shahaadadii dugsiga sare oo sax ah, lix bilood ku hay xaruntaadda, kadib ka koobiyayso. Haddii uu ardaygu yahay darajada (D) waa inuu qaataa kooras lix bilood ah. Waa la is fatashi oo ardayga soo galaya ayaa la eegi, macallinka ayaa la eegi, waa la kala shaandhayn midba mid ayay ka dheeree is leedaahay, waar intaan garanayno aan ardayda u gudbino oo ardaygu marka uu Jaamacadda ka soo baxo waa inuu cilmi-baadhis aqooneed qori karo.”
Wasiir Cabdillaahi Dheere ayaa guddoomiyayaasha Jaamacadaha ku wargaliyay in la is qiimayno doono isla markaan Jaamacadaha wanagsan iyo kuwa aan wanaagsanay ay kala sheegi doonaan, waxaannu yidhi; “Aynu xaqiiqda wajahno oo intaan naqaanno aan ardayda u dhigno, inta kale wakhtigeeda ha la gaadho, aqoonta wixii aynu garanayno aynu gudbino. Annagu(Wasaaradda waxbarashadda) waxaannu odhanaynaa Jaamacadda qaldan way qaldan tahay, tii saxsanna dadka waanu u sheegaynaa, wanaageedana waannu sheegaynaa. Jaamacadda waajibaadkeeda ka soo baxda waannu dhiirigalinaynaa,ta xunna haddii aanu albaabada u laabi wayno waanu sheegi.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply