Somaliland Oo VOA-da Ku Eedeysay Inay Ka Baxday Heshiiskii Ay Wada Galeen

0
356

Hargeysa (Dawan)-Wasiirka wasaarada warfaafinta,  dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ku eedeeyay masuuliyiinta  laanta afsoomaaliga ee idaacada VOA-da inay jabiyeen heshiiskii ay la galeen xukuumadda.
Wasiir Cukuse oo shalay la hadlay warbaahinta qaranka ayaa waxa uu sheegay in idaacadda VOA ay heshiis ku galeen in baahintoodu soo gasho saddex  wakhti hase yeeshee ay ku baahintooda ku dareen baahin afraad oo  dheeraada oo aan ku jirin heshiiskii ay galeen.
“Jamhuuriyadda Somaliland wasaaradda warfaafintu laba idaacadood oo waaweyn ayay oo afka  Soomaali ah  ayay heshiisyo kula jirtaa idaacada BBC-da iyo idaacada VOA-da.  idaacadda VOA waa markii labaad ee aan is-qabano. Idaacada BBC ma dhacdo in aan is qabano sababtuna waxa weeye annagu waxaan ixtiraamnaa heshiiksa aanu wada galno.  idaacadda VOA waxa aan ku jirnaa heshiis ah in saddex  xili hawada soo galaan oo barnaamijyada ay leeyihiin baxaan, saddexdaas  xili oo aanu u fududayno in dalka ka hawl-gali karaan,”Ayuu yidhi Wasiirka warfaafintu.
Wasiir Cukuse waxa uu tilmaamay in idaacada VOA-da  hawada soo gasho saacado dheeraada oo aan heshiiskii ay la galeen ku jirin waxaan uu yidhi “Heshiiskii ayay ka baxeen saacado kuwii ahayna way  damceen inay ku daraan oo subaxle oo duhur leh saacadahaa dheeraadka ahi way ka  baxsan tahay ixtiraamna maaha in dawladda dhan intaad heshiis la gasho aad iska wadato uun taada.”
Wasiirku waxa uu sheegay in ka xukuumad  ahaan ay ixtiraamayaan  heshiiskii ay la galeen idaacadda VOA waxaana uu yidhi “Wali heshiiskii ayaan ixtiraamaynaa labadii xili ee aynu heshiiska ku ahayna diyaar ayaan  u nahay wixii intaa ka badana in laga wada hadlo diyaar ayaan u nahay ee macquula saacadaha Radio Hargeysa soo gashana macquul maaha in idaacado  kale siino.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply