Berbera: Dab Xalay Khasaare Geystay Iyo Badhasaabka Sanaag Oo Ka Hadlay

0
305

Berbera(Dawan):- Dab Xalay  ka kacay xaafadda Burco Sheekh ee magaalada Berbera,ayaa  gubay afar guri oo ku yaalla Xaafadaas soona gaadh siiyay  khasaare hantiyeed oo xoogan ka hor intii aanay bakhtiintiis u  gurman gaadiidka      Dab’damiska Dawladda hoose ee Berbera iyo ka dekedda, ciidanka booliska iyo qeybaha bulshadda oo gurmad xoogan u galay sidii dabkaa loo damin lahaa.
Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo markii dabka  damintiisa lagu guulaystay khadka Telefoonka  ugu warramay Wargeyska DAWAN, ayaa sheegay in masiibada dabka xalay gubay guryaha uu  ku kooban yahay mid hantiyeed.
 
“Dabku wuxuu ka kacay xaafadda Burco Sheekh,  waxaanu gaystay khasaare hantiyeed. waxa gubtay illaa afar guri oo ku yaalla xaafadda waxaanay ahaayeen guryaha gubtay guryihii hore oo dhismahoodu wuxuu ahaa loox iyo jiingado,markaa Dawladda Hoose dab damiskeedii iyo dab-damiskii Dekadda,ciidanka booliska iyo dadweynuhuba umay kala hadhin in dabka halkaa lagu hakiyo waana lagu guulaystay, iyadoo ay dabayl xoogani dhacayso in haddana aanu dabkaasi halkaa dhaafin dadkiina waa laga wada badbaadiyay,”ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar.
 
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in qoysaskii guryahoodu gubteen xalayba ay la seexdeen jaararkoodii, waxaanu yidhi  “illaa saddex qoys ayuu dabkaasi baro kiciyay oo bilaa hoy ah,  waxaanay caawa (xalay) la seexanayaan oo ay u tageen qoysaska ay ehel yihiin iyo jaararka,ka.  maamul ahaanna aroorta ayaanu xaaladooda qiimayn doonaa oo khasaaraha uu dabku soo gaadhsiiyay ee hantiyeed iyo wax u qabadkoodaba laga hawl-gali doonaa.”
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply