Xaqa Iyo Akhlaaqda Dad La Dhaqanka

0
342

Axaadiistan oo ah kuwo sexeex ah waxay si weyn  u muujinayaan xaqa jaarku isku leeyahay.
Ibn Cumar iyo Caa’isha (RC) waxay yidhaahdeen: Nebigu(scw) wuxuu yidhi: “Malakul Jibriil wuxuu mar waliba aad igala dardaarmayey xuquuqda Jaarka, wayna ku weynayd ilaa aan is idhi waxa lagu darayaa inay is dhaxlaan “. (Bukhaari iyo Muslim)
Abuu Darr (Rc) wuxuu yidhi: Rasuulka Allah (scw) wuxuu yidhi: “AbuuDaroow markaad diyaariso maraqa waxoogay biyo ah ku kordhi, oo eeg hadday dariskaagu wax uga baahan yihiin”. (Muslim)
Abuu Hurayrah (Rc) wuxuu yidhi: Nebigu (scw) wuxuu yidhi: “Allah (sw) ayaan ku dhaarane, iimaankiisu ma dhamaystirin, iimaankiisu ma dhamaystirin, iimaankiisu ma buusamin “. Waxaa lagu yidhi: Rasuul Alloow waa kuma? Wuxuu yidhi: “Waa qofkii jaarkiisa aan ka nabad gelin dhibtiisa iyo sharkiisa “. (Bukhaariiyo Muslim)
Werinta Muslim waxay leedahay: “Kaasi ma geli doono Jannada aan jaarkiisu  ka nabad gelin dhibtiisa iyo sharkiisa.
Abuu Hurayrah (Rc) wuxuu yidhi: “Nebigu (scw) wuxuu yidhi: “Haweenka muslimka ahoow! yay midkiin jaarkeeda hoos u eegin (xaqirin) oo u arag wax liita xitaa hadday kuugu  keento hadyad qoob Riyaad (ka qaado una mahad celi)”. (Bukhaari iyo Muslim).
 

Leave a Reply