Shilalka Baabuurta Oo Ku Soo Badatay Hargeysa iyo Khasaarihii Ka Dhashay Kuwii U Dambeeyay

0
364

Hargaysa (Dawan): Sannadahan danbe waxaa Somaliland si aad ah u kordhay shilalka gaadiidka ee ka dhaca magaalooyinka iyo jidadka iska xidha goboladda dalka, gaar ahaana caasimadda Hareysa oo mudooyinkan danbe si weyn looga dareemay.

 

Waxaanay shilalka  gaadiidka ee ka dhaca  magaalada Hargeysa  u badan yihiin dad ay baabuurro ku jiidhaan jidadka caasimadda dhexdeeda  iyo  baabuur iyagoo laamiga maraya inta ay wadadda ka baxaan khasaare iyo burbur hantiyeed soo gaadhsiiya meheradaha iyo dhismeyaasha  wadooyinka u dhaw.

Shilalkaasi waxaa ugu danbeeyay kuwo    afar maalmood oo xidhiidh  ah   siyaabo  kala duwan ay ugu jiidheen  meello isku dhaw. Shilalkaasi oo  ugu danbeeyay mid shalay subaxnimadii ka dhacay  jidka ka yimaada dhinaca galbeed ee magaaladda Hargaysa ee hor-mara madaxtooyadda Somaliland.

Waxaana shilkaasi ku dhaawacmay  afar qof,  kadib markii uu jiidhay afartaasi nin oo fadhiyay meel jidka dhinaciisa ah oo ay kabadh Qaad ku iibinayeen gaar ahaana  dhinaca woqooyi ee is-goyska baar-Hargeysa, ama ka soo horjeedka xaruntii hore ee wasaaradda duulista.

 

Hase yeeshee  waxay  shilkaasi ay dhaawacyo halis ahi ka soo gaadheen Cali Axmed Nuur oo ahaa mulkiilaha meheradaasi Qaadka  iyo nin kale oo la sheegay in uu la shaqeeyo oo  magaciisa la yidhaahdo Jaamac Akhtar.iyadoo labada nin loola cararay cusbitaalka guud ee Hargeysa halkaasi oo lagu daawaynayo.

 

Baabuurka shilkaasi sababay  oo ahaa  kuwa yar-yar ee loo yaqaano Tukhaanka ayaa sidoo kale waxa uu burburiyay meheradii ay labada nin ku ganacsanayeen iyo agabkii ay  ku shaqaynayeen,  waxaana la sheegay in shilkaasi shalay uu yahay kii afraad ee agagaarka is-goyska baar-Hargeysa ka dhaca afartii maalmood ee la soo dhaafay, iyadoo tiraba afar ruux ay siyaabo kala duwan baabuurro  u  jiidheen  kuwaasi oo dhamaantoodba geeriyooday.

 

Nin magaciisa ku sheegay Faysal Saalax Ismaaciil, oo ka mid ahaa dadkii goobta uu shilku ka dhacay  joogay,  oo noo sheegay in uu isagu meesha ka cararay markii ay arkeen baabuurka ku soo jihaysan    ayaa ka hadlay sida ay wax u dhaceen. Waxaanu yidhi “Anigu  dadkii meesha fadhiyay ayaan ka mid ahaa, nin ila fadhiyay ayaa ii  heekaynayay,  sidii uu sheekadda iigu watay ayuunbuu cararay.  Wuxuu  arkay  gaadhiga Tukhaanka ah ee nagu soo jihaysan   oo wadadii ka soo baydhay, oo xawaare  ku soo socday.    Kadib  anna waan ka daba cararay.

 

 

 Waxaanu  intaasi ku daray “Dirawalku markuu Biriigga qabo yidhaahdaba leewarka ayuun buu sii qabtaa.  Dabadeedna  gaadhigii oo meeshii galay ayuun baan aragnay.  Anigu  waan khal-khalay oo kooma ayaan galay. Afarta ninba waan garanayay ee meesha fadhiyay, Jaamac ayaa mid la yidhaa, midna Cumar iyo Cali iyo Guuleed.  waxaan filayaa inuu gaadhigu bilaa biriig noqday oo uu qaban kari waayay derawalku” Faysal Saalax Ismaaciil.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply