Golaha Guurtidda Oo Dood Adag Ka Yeeshay Siyaasadda Arrimaha Gudaha

0
557

Hargeysa (Dawan) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii shalay ku falayn qeeyay  xaaladda siyaasadda arrimaha gudaha ee dalka.
 
Fadhigan oo uu guddoominayay Gudoomiye Ku-xigeenka koowaad Md. Siciid Jaamac Cali, waxay Mudaneyaashu kaga doodeen siyaasadda Gudaha oo ah qoddobka saddexaad  ee ajandaha kal-fadhigoodan 58-aad.
 
Ibraahim Xaaji Ciise Buux oo ka hadlay fadhigaas ayaa ku baaqay in xuduudaha dalka la adkeeyo, waxaanu yidhi  “Ajande kasta waxa innoogu jira maamulka dalka ha la wada gaadhsiiyo, hana laga wada hawl-galo sidii dalku guud ahaan dalka doorasho uga dhici lahayd. Markaa waxaan soo jeedinayaa in la sugo guud ahaan xuduudaha dalkeenna  oo yaanay cid waliba iska soo gelin.”
 
“Maalin kasta magaalooyin Somaliland ah waxa ka dhaca dhibaatooyin kuwaas oo ka dhasha shilalka gaadiidka. Markaa waa in cidda nabad-gelyada waddooyinka ku shaqo lihi ay ka hawl-galaan sidii arrimahaas wax looga qaban lahaa,”ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Ciise.
 
Jirde Maxamuud ayaa isna waxa uu dhaliilay sida loo bixiyo kaadhadhka jinsiyadda, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaad moodaa in qaadashada kaadhka muwaadinku ay tahay mid si fudud lagu qaadan karo. Markaa waa in la adkeeyaa baan soo jeedin lahaa qaadashada kaadhkaas.”
 
Sidoo kale xildhibaan Jirde waxa kale oo uu ku dooday “Maalmihii u dambeeyay waxa la hadal hayay caaqil lagu caleema saaray Hargeysa, anigu waxaa aaminsan nahay si aanay muwaadin oo kale u noqon waa in laga dhigaa jaaliyad.”
 
Badi xildhibaanadu waxay isku raaceen in xaaladda siyaasadda arrimaha guduhu marayso meel aad u fiican, loona baahan yahay in la sii xoojiyo. Xildhibaanadu waxay shir-gudoonka ka codsadeen in golaha looga yeedho masuuliyiinta kala ah wasiirka arrimaha gudaha iyo taliyaha guud ee ciidamada booliska Somaliland, si goluhu uga xog-waraysto arrimaha ay qaranka uga masuulka yihiin.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply