Hargeysa(Dawan)- Wasiirka wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Md Cali Jaamac Faarax (Buurreed) ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in kumanaan tan oo Jaad ahi maalin kasta Somaliland uga yimaado dhinaca dalka Itoobiya, isla markaana Kalluunka Somaliland uu dhaafi kari waayo xadka Wajaale.
Wasiirka Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda ayaa hadalkan ka sheegay xaflad lagu daah-furayay Carwada kalluunka oo lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa. munaasibaddaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxa ka soo qayb-galay Carwadaas wefti ka socda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo qaybaha kala duwan ee ganacsatada Kalluunka Somaliland.
Mudane Cali Jaamac Faarax (Buurreed) isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi. “Maanta halkan waxa innoogu diyaar ah shirkaddihii waddankeenna kalluunka ka soo saarayey oo halkan iyo dibeddaba u iib-geynaya oo tobannaaan kun oo tan oo kalluun ah ay maanta Hargeysa diyaar ku yihiin oo loogu talo galay in saddex cisho oo maanta (shalay) ka bilaabmaysa kalluunka lagu iibiyo magaalada (Hargeysa)”
Wasiirka Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Somaliland Mudane Cali Jaamac Faarax (Buurreed) waxa uu sheegay inay ka codsadeen ganacsatada Somalialnd ee kalluunka iibineysa inay saddexdaa maalmood ku iibiyaan kalluunka qiime jaban “Waxaanu ka codsanney ganacsatada inay qiimihiisa dhimaan oo qiimihii suuqa lagu iibinayey mid aad uga jaban carwadu intay socoto si dadweynaheenna loogu dhiiri-geliyo in saddexdaa maalmood in dadku iska daayo hilibka oo ay kalluunka cunaan oo kalluunka la soo bandhigayo ay iibsadaan ayaanu dadweynaheenna ku dhiiri-gelineynaa” ayuu yidhi Mudane Cali Jaamac Faarax (Buurreed).
Mudane Buureed waxa kale oo uu dawladda iyo shacabka Itoobiya ugu baaqay isticmaalka Kalluunka iyo khayraadka badaha Somalialnd, “Wefidga walaalaheen h ee dawlad deegaanka Soomalida ka yimidna waxaan leeyahay waxaanu haynaa khayraad badan oo innagu wada filan,oo innaga badan” ayuu yidhi Cali Jaamac Faarax (Buurreed).
Wasiirka Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Somaliland Mudane Cali Jaamac Faarax (Buurreed) ayaa caddeeyey inay jiraan dad aan sharci u haysan inay ka kalluumeystaan Somaliland, isla markaana ay gurtaan Kalluunka Soomaliland “Dad ajnabiya oo aan naga amar qaadan ayaa booba kalluunkeennii,waxaanu jecelanahay iyada oo dadkaasi u baahan yahay kalluun oo uu suuqyadoodu kalluun lahayn, waxaan u baahannahay in la noo sahlo sidii uu waddankiina u gali lahaa,waad ogtihiin oo halkan Somaliland waxaa soo gala maalin walba kumannaan tan oo qaada,khudrado iyo alaabooyin kala duwan”
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inaanu kalluunka Somaliland gaadhin xadka Wajaale,kana codsaday wasiirka ganacsiga dawlad deegaanka Soomaaalida ee Itoobiya inay ka caawiyaan sidii uu ganacsiga kalluunka Somaliland uu u gali lahaa gudaha dalkooda “Annaga dhibta nahaysta waxa weeyaan inaan kalluunka hadda aad halkaas ku arkeysaan aanu Wajaale ka gudbi karin sharciyada xaggeeda, markaa waxaan wasiirka ganacasiga fursaddan oo Illaahay nagu soo beegay aan ka codsaneynaa inuu arrrinkaa nagala hawl-galo sidii kalluunku waddankooda u gali lahaa innaguna iibkiisa ayeynu u baahannahay iyaguna cuniddiisa ayey u baahan yihiin”.
Wasiirka Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Somaliland Mudane Cali JaamacFaarax (Buurreed) oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi, “Waynu ognahayoo kan baddeenna laga xado ayaa waxaa laga soo qaadaa Cummaan iyo waddamo kale Immaaraadka ayaa diyaaraddo loogu geeyaa oo lacag qaaliya laga siiyaa waanu la soconnaa markaa waxaanu leenahay halkan ayaa idiin dhow subixii marka uu ka soo baxo Berbera galabtii ama duhurkii meel walba oo magaalooyinkiina ka mid ah wuu joogaa illaa Addis Ababa oo diyaaraddu u socoto waanu geyn karnaa fusaddaasi waa fursad qaaliya”
Wasiirka Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Somaliland Mudane Cali Jaamac Faarax (Buurreed) waxa uu baaq u diray kalluumeystada reer Somaliland. “Waxa kale oo aan baraarujinayaa kalluumeystadu inay u diyaar garoobaan hadda dadkii waanu tababarney caaafimaadkiisa waa la diyaariyey sidii loo eegi lahaa,shahaadooyinkii dibadda ay ugu dhoofi lahaayeen iyagana gacantaanu ku haynaa waa diyaar.” ayuu yidhi wasiirku.
Sidoo kale, Wasiirka Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Somaliland Mudane Cali Jaamac Faarax (Buurreed) oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas ku daray, ”Waxa kale oo aad ogtihiin ka wasaarad ahaan inaanu xil badan iska saarney sidii loo xoojin lahaa kaabayaasha kalluumeysiga, hadday tahay digteytaradan yar-yar, qaboojiyeyaal, doonyo, tababaro halkaasaanu ka sii wadi doonaa waxaanu rajeyneynaa sannadkan sannadkiisa dambe inaynu bandhig kan in badan ka ballaadhan aynu sameyn doono meelo badan oo waddanka ka mid ah, maanta Hargeysa ayeynu ku sameynaye, sidoo kale waxaynu wasiirka iyo dawladdiisa Itoobiya ka codsanaynaa inaynu Jig-jaga-na ku samayno sannadka kale carwo tan oo kale ah.”
Dawannews Hargeysa office