Damaca Xun Ayaa keena Dhibaatada!

0
346

Waxay u sheegtay in ninkeedii uu ka baxsaday muddo badan ka maqnaa, isla markaana ay doonayso inay iska furto. Waxayna u balan qaaday inay siin doonto $ 20 , hadii uu maxkamadda u raaco oo iska dhigo ninkeedii oo furaya si ay u hesho warqadeedii.  Aad ayuu ugu farxay balanqaadkeeda waanu ka ogolaaday. Subaxii ayay maxkamada tegeen markii ay garteedii akhrisatay ayaa xaakinkii weydiiyayay “Waar Xaakaagii ma tahay? Waxaan uu ku jawaabay haa. Xaakinka aya ku yidhi “ Cabashadan in aanad biil siin soo run maaha ? Waxaan uu ku jawaabay haa, laakiin imika ayaan furayaa oo warqadeedii siinaya. Xaakinka ayaa ka dib go’aakan soo saaray “ Fur , warqadeedii sii, isla markaaan waxaad siin doonta oo aanu kugu xukunay $ 1000”. Ninkii ayaa aad u yaabay lacagtan lagu xukumay, wuxu  sameeyana muu garanayn.
Markii ay gabadhii isa soo raaceen ayay ku tidhi “ Waxaad yeelaysaa isii $ 980, ee 1000 maxkamadu iigu kaa xukuntay, marka aad ka goosato labaatankii aan kuugu balan qaaday “. Ninkii oo yaaban ayaa yidhi oo anigu miyaan ku qabay , soo waxaan aan sheegayay been ma ahayn. Waxayna ku jawaabtay “ isk dhaaf bixi lacagta ama maxkamadda aan ku noqdo halagu xidhee”. Tani waa cidhibta beenta aad u sheegto adigoo damac ku hayo.

Leave a Reply