Koox cilmi baadhayaal Maraykan ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay helaan shimbirro yar oo ku nool Austerliya oo awood u leh inay kuwada xidhiidhaan hadalka sida dadka oo kale. Shimbirkan ayay sheegeen inuu leeyahay heeso iyo weliba dhawaaqyo uu isugu yeedho. Waxa kale oo ay sheegn inuu leeyahay hab la mid ah kan aadamiga oo ah inay waada sheekaysan karaan.
Cilmi baadhayaasha ayaa intaasi ku daray inuu dhawaaqa iyo xidhiidhinta codka uu shimbrikani awood u leeyahay kaasi oo uu kaga duwan codka iyo cida kala go’an ee shimraha kale. Cilmi badhayaasha waxa intaasi ku dareen in shimbiruhu dhamaantood ay leeyihiin dhawaaqyo ay isku gartaan laakiin kuwaasi ay yihiin kuwo aan xidhiidh ahayn oo cid xayawaanada kale la mid ah.