Toddoba Shaybaadh Oo Cabsi Iyo Gumaad Abuuray!

0
344

Si gacanta loogu dhigo hogaanka dunida wakhtiyadii dagaalada iyo kuwa nabaddaba  iyadoon aan la tixgelin laguna tumanayo arrimha  asaasiga ah ee insaaniyadda iyo akhlaaqda guud waxa dawladaha  qaarkood sameeyeen xarumo shaybaadho ciidan oo lagu sameeyo baadhitaanka si horumar loogu sameeyo bakteeriyada  dilaaga ah. Xarumaha cilmiga Militeriga ah ayaa ahaa kuwa banii’adamka ka dhigtay sidii beer ay leeyihiin  oo maaalinba qayb ka mid ah ku sameeyaan baadhitaano iyaga oo siinaya dawooyin tijaabo ah. Waxaana jir toddoba xarumood oo ciidan oo loo yaqaano kuwa ugu cabsida iyo gumaadka badan.
 
Ruushka: Laabkan oo ay adeegsadaan ciidanka Ruushka, wuxu horumar ku sameeyay sun badan oo kala duwan oo ay ka mid tahay Mustard Gas, Ricin iyo Sayani. Waxaana loo adeegsaday suntan maxaabiis badan oo aan la aqoonsan iyo siyaasiyiin mucaarid ah kuwaasi oo noloshoodii ku waayay. Ujeedada arrinkan foosha xun laga lahaana wuxu ahaa in la sameeyo maadooyin sun ah oo aan dhadhan iyo ur midna lahayn si loo ogaado mudada ay ku qaadan karto inay  qof ku disho si loogu adeegsado kuwa ay doonayaan KGB inay khaarajiyaan.
“Viktor Yushchenko,” oo ahaa hoggaamiyaha mucaaradka iyo madaxweynihii hore ee Ukraine ayaa lagu sumeeyay, walxahan khatarta ah ee lagu sameeyay laabkan. ( la soco)
 

Leave a Reply