Calaamada Lagu Garto Iyo Sida Looga Hortago Sanboorka

0
3358

Sanboorka & allerjiyada waxaa sababa marka uu jirku la kulmo wax uu xasaasi u yahay sida ubax, boor, habaas iwm. Taasi waxay sababtaa inuu jirko soo daayo kiimiko loo yaqaano histamine oo iyaduna markaa keenta calaamadaha lagu arko qofka qaba sanboorka iyo xasaasiyada. Calaamaduhu waay kala duwanaan karaan, dadka qaarkiis wuxuu hayaa waqti kooban waxayna isku arkaan calaamado khafiif. Dadka qaarkiisana waxaa ku dhaca mid aad u daran socdana xili aad u dheer. Calaamadaha waxaa ka mid ah:
Calaamadaha badanaa la isku arko  san cun-cun iyo caburid, duuf joogta ah, hindhiso, indhaha oo cun-cuna, ilmeeya kadibna midabkoodu casaan noqdo. Calaamadahaas mararka qaarkood waxay ku koobnaadaan sanka, mararna indhaha oo keliya.
Calaamadaha aan sidaa loo arag waxaa ka mid ah urka oo kaa taga, wejiga oo ku xanuuna, dhidid iyo madax-xanuun.
Calaamadaha neefta sida xiiqda  iyo neefta oo kugu dhegta, waxaana suurtagal ah inay sii xumaato haddii aad horey neef u qabtey. Dadka qaarkood waxey isku arkaan calaamadaha neefta waqtiga uu sanboorku jiro oo keliya.
Sanboorka haddii aan daawo loo qaadan wuxuu khal-khal galin karaa hurdada, wuxuu wax u dhimi karaa waxbarashada amaba kugu khasbi karaa inaad shaqada fasax ka qaadato maalmo badan.
Sanboorka waxaa badanaa lagu daaweeyaa daawooyin ka hortaga soo deynta kiimikada histamine. Hase yeeshee daawada ugu fiican waa inaad ogaatid waxa kugu keena kadibna ka fogaatid.

Leave a Reply