Maraykanka Iyo Ruushka Oo Ka Wada Hadlaya Xalinta Colaada Afar Jirsatay Ee Suuriya

0
300

Dalalka Maraykanka iyo Ruushka aya waxay sheegeen in ay ka hadlayaan sidii xal loogu heli lahaa colaadaha sii daba dheeraaday ee ka socda dalka Suuriya. Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka, John Kerry, oo ku sugan caasimadda Ruushka ee Moscow, ayaa waxa la sheegay in ay madaxda dalka Ruushka ka wada hadlayaan sidii loo furdaamin lahaa colaadaha afar jirsaday ee ka taagan dalka Suuriya.
Sidoo kale wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in wada hadalada Mr. Kerry uu la leeyahay madaxda Ruushku in ay salka ku hayso sidii Maraykanka iyo Ruushkugo’aan midaysan uga qaadan lahaayeen wada hadalada u socda dhinacyada isku haya dalka Suuriya. Wada hadaladan ayaa waxa kale oo la sheegay in diirada lagu saarayo sidii aragti midaysan ay labadan dal uga yeelan lahaayeen weerarada ay ku ahayaan kooxaha ka dagaalama dalka Suuriya.
 

Leave a Reply