Guddoomiyaha Maxkamada Sare Iyo Wefti Uu Baadhaya Sifaha Maxaabiista Ku Jirta Jeelka Laascaanood

0
351

Laascaanood (Dawan)- Weftigii uu hoggaaminayay guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed,  oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka wasaaradda cadaallada iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa shalay gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool .
Guddoomiyaha maxkamada Sare Aadan Xaaji Cali iyo weftigiisu waxa ay kolrmeer hawleed ku tageen goobaha caddaalada ee gobolka Sool iyo xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood, waxaanay halkaasi warbixinno kaga dhegaysteen guddoomiyeyaasha maxkamadaha gobolka Sool iyo ta degmada Laascaanood.
Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Aadan ayaa waxa uu sheegay in socdaalkoodu la xidhiidho sidii ay ugu kuur-geli lahaayeen maxaabiista ku jirta jeelka in xadhigooda loo maray hab cadaalad ah, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Socdaalkayagu waxa uu la xidhiidhaa in aanu ogaano in meelo xurmo leh lagu xidho maxaabiista, oo loola dhaqmayo si ixtiraam leh oo qofku ku xidhan yahay si cadaalad ah, in la ogaado waa muhiima  waliba madaxda halkan joogtaa inay ogaadaan oo lagu dabo socdo taasaa ugu muhiimsan, Insaanka wax ka qiimo badani ma jiro.”
Wasiirka wasaaradda cadaalada iyo garsoorka Axmed Faarax  Cadarre ayaa isaguna sheegay in wax laga qaban doono garsoorka dalka waxaana uu  yidhi “Waxa ay noo tahay sharaf in aan soo indho indhayno xaalada cadaalada ee gobolka Sool, oo aanu ogaano bal halka waxa laga toosin karo ee wax ka qaloocdeen oo xogta la urursado, wixii laga qaban karana si wada jira wax looga qabto. Waxaana aynu nahay qaran dhaqaalihiisii kooban yahay oo  inta cashuurta bixisaa yar tahay hadana wax badan ayaa inoo suurtagalay.”
Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Aadan ayaa isaguna waxa uu tilmamaay in ay fursad u tahay inay socdaal ku yimaadaan magaalada Laascaanood waxaana uu yidhi  “Fursad ayay noo tahay in aan soo booqano gobolka Sool magaalo madaxdiiisa Laascaanoo,d gobalo kale oo dalka ahna waan soo marnay qaarna way noo hadhsan yihiin. ujeedada socdaalkayagana waxaa ugu waynaa u kuurgalka maxaabiista.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply