Hargeysa (Dawan)- Shir muddo afar maalmood ah u socday danjireyaasha Somaliland u fadhiya dalalka dibada oo lagu faaqidayo qorsheyaasha siyaasadeed ee wasaarada arrimaha dibadda ayaa shalay la soo gabo-gabeeyay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.
Shirkan oo uu furay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa lagu falan-qeeyay qorsheyaasha iyo himiladda wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland. Waxaanu wasiirku sheegay in qasdiga iyo ujeedada shirkan laga lahaa ay tahay sidii loo dejin lahaa siyaasadda khaarajiga.
Wasiirka wasaarada arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo xidhitaankii shirkaasi ka hadlay ayaa waxa uu akhriyay qoddobadii shirka laga soo saaray iyo tallooyinkii laga soo jeediyay mudadii uu socday, waxaanay u dhignaayeen sidan:-
- Somaliland saaxada caalamka ha ka muuqato
- Saaxiibadii Afrika aynu ku lahaan jirnay xidhiidhkoodii dib ha loo bilaabo oo ay ka mid yihiin South Afrika, Ghana, Sambia, Sinigaal iyo Nigeria. Saaxiibadaa aan ku marti qaadno doorashada soo socota sidii ay innoogala soo qeyb-geli jireen doorashooyinkii hore.
- Aan ka faa’iidaysano dadka Somaliland ka soo jeeda ee meelaha sare jooga ama ganacsatada wadamada kale jooga si ay xidhiidh innoogu sameeyaan.
- Caalamka kaalin mug leh ayaynu kaga jirnaa oo ah ilaalinta nabada ee kaadhkaa aan isticmaalno.
- Saaxiibadeenna Somalia jooga sidii aynnu barigii hore ula xidhiidhi jirnay ee aan hawl-gelin jirnay ha laga fikiro sidii loo hawl-gelin lahaa.
- Wada hadalada innaga iyo Somalia innoo bilaabmay ha la dardargaliyo.
- Wakiiladeenna dibada inoo jooga si fiican ha loo maalgaliyo si wakhtigooda ay u siiyaan qadiyada Somaliland.
- Wakiiladeena dibada jooga waa inay la shaqeeyaan madaxda Somaliland oo dhan. Haddii ay yihiin kuwa axsaabta Mucaaradka ah iyo haddii ay yihiin kuwa ka socda xisbiga muxaafidka ah iyo xukuumaddaba.
Shirkan waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiirradii hore ee khaarajiga Somaliland, Xildhibaanno ka socday Goleyaasha Baarlamaanka iyo saraakiil ka socday saddexda xisbi qaran. Duruustii danjireyaasha lagu siiyay tabobarkan waxa macalimiin ka ahaa Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cawil Cali Ducaalle, Dr. Xuseen Bulxan Iyo Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab).
Dawannews Hargeysa office