Xildhibaan Nacnac Oo Deeq Lacageed Gaadhsiiyay Qoys Danyar Ah Oo Gurigoodu Shufbeelay

0
302

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Axmed Maxamad Diiriye (Nacnac) oo ka mida xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa deeq lacageed oo dhan (Siddeed boqol iyo konton dollar), 850 dollar gaadhsiiyay qoys danyar ah uu dab qabsaday ka gubay gurigii ay ka degenaayeen magaalada Hargeysa.
Qoyskan danyarta ah ayaa degenaa ama ku jiray guri Buul-Soomaali ah oo ka samaysanaa maryo la isku tolay iyo daasado, gurigaasi oo gabi ahaanba shuf beelay, kadib markii uu qabsaday dab xoog leh, kaas oo baabiiyay dhamMaan agabkii dhex yaalay.
Xildhibaan  Nacnac waxa uu dadweynaha reer Somaliland ugu baaqay inay qoyskan danyarta ah ee gurigu ka gubtay ay soo caawiyaan,  isaga oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa aynu halkan u nimid gurigan ka gubtay qoyskan danyarta ah, waana dadkaa maxaysatada ah ee caruurta badan ee dhaxantaas u hoyday, bishan waa gurigii labaad ee gubtay kuwii hore waynagii u dhisnay kuwana waynu isku dayaynaa inaynu u dhisno, waxaan ka codsanaynaa dadka muxsimiinta ah inay Illaahay dartii u soo caawiyaan qoyskan danyarta ah oo ay ku soo sadaqadaystaan waxa ay u helayaan oo ay ku caawiyaan”
Hooyada qoyskan danyarta ah ayaa iyaduna uga mahadnaqday xildhibaan Nacnac deeqdan lacagta ah ee uu soo gaadhsiiyay, waxaanay farriin u dirtay dadka walaalaheeda ee muslimiinta ah waxaanay tidhi “xildhibaan Nacnac ayaa halkan noogu yimid markii uu gurigu naga gubtay, waana kaa lacagta noo keenay ee na gacan qabtay Illaahay mahadi ha ka gaadhe, waananu uga mahadnaqaynaa Alxamdulilaah Rabil caalamiin, wixii kale ee wax nataraya ee na caawinaayana waanu umahadnaqaynaa, dad nagamuu guban duunyadana waydinkaa na arkaya markaa sidaasaanu u sheegaynaa umada muslimiinta ah”
Aabaha qoyskan danyarta ah oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “markii gurigu naga shufbeelay ee uu naga gubtay ayaa xildhibaan Nacnac iyo cidii kale noo soo gurman karaysayba ay noo soo gurmatay, xildhibaankana aad iyo aad ayaanu uga mahadnaqaynaa deeqdan lacageed ee uu na soo gaadhsiiyay, cidii na caawin karta ee wax nagu darsan kartana waxaanu leenahay hanala caawiyo oo wax hanaloo qabto.”
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply