Dabar Go’a Xoolaha iyo Daawashada Tijaarta Laba Aan Is Daboolayn

0
476

Haddii aan xoolaha  looga gurman abaarta  ku dhufatay waxay halis ugu jiraan in neefba  ka soo doogi waayo
 
Ummad waliba waxay leedahay meel  iyo xuddun  ay ku tiirsan tahay  noloshoodu isla markaana lafdhabar u ah jiritaankooda nololeed ee xag walba, halka saldhiga u ah aasaaskanolosha ee bulsheed ayaa waxaa ay ku hir gashaa marka wada jir loo dareensan yahay in ay tahay xudunta nolosha umadeed ee la wada leeyahay.
Laakiin hadii cid gaar ah lagu haleeyo ama dadkuba si isku mid ah ugu hawlanaan waayaan ilaalinteeda  iyo ka war hayntooda.
Hadaba dalkeena  Somaliland waxaynu leenahay oo ay nolosheenu ku tiirsantahay ama lafdhabar dhaqaale inoo ah xoolaha nool oo aynu bulsho ahaan dhaqano kuna nool nahay.
Maanta xoolaha Somaliland waxaa ku dhufatay abaar  baahsan oo saamaysay dad iyo duunyoba isla markaana u baahan in looga gurmado oo dadka iyo duunyadaba loogu guntado sidii loo gargaari lahaa gacana loogu gaysan lahaa.
Abaarta ku dhufatay Somaliland ayaa saamaysay dalka Somaliland guud ahaan bari iyo galbeed ,waqooyi iyo Koonfur. Waxaanay ku siibadan tahay deegaanada gobolada galbeedka Somaliland oo u badan dhanka xeebta  ee gobolada Selel,Awdal ,Gabilay iyo Maroodijeex. Abaarta ku dhufatay deegaanada Somaliland oo saamayn badan ku yeelatay xoolaha nool ee ay nolosheenu ku tiirsan tahay ayaa la sheegay in ay galaafatay   ugu yaraan kala badh  in ka badan xoolihii ku noolaa deegaanada ay abaartu ku dhufatay.
Waxaa kale oo  halis ugu jira in ay lee,daan dhamaan xoolaha aynu dhaqano oo dal iyo dadba ay nolosheenu ku tiirsan tahay taasoo haddii aan imika laga gurman isla markaana aan wada jir wax looga qaban ina gayaysiin doonta in aynu dad iyo duunyo badan ku wayno abaarta ka jirta gayiga Somaliland intiisa badan.
Abaarta ayaa markii hore waxay ku ekayd oo kaliya deegaanada galbeedka Somaliland laakiin markii dambe  waxay u gudubtay dhanka hawdka gobolada Maroodijeex  iyo Hawd oo ahaa deegaanadii ay markii hore u soo hayaameed reer guuraagii ay abaaruhu ku dhufreen deegaanadii ay ku dhaqnaanyeen.
Xukuumadda Somaliland ayaa gurmad  u fidisay dhamaan deegaanada ay abaaruhu ku dhufteen isla markaana dawladaha carabta  iyo guud ahaan caalamka ugu baaqday in ay gurmad taageero la soo gaadhaan dadka iyo duunyada abaaruhu ku dhufteen.
Laakiin taakulaynta  loo fidiyay iyo dadka aabuhu ku dhufteen maaha mid ku filan ama ka caawinaysa abaaraha saameeyay deegaanadaSomaliland dad iyo duunyoba waxaanay u baahan yihiin in  ay gacan wayn ka helaan dadkooda reer Somaliland ee alle wax siiyay isla markaana maaliyadda haysta kuwaasoo ay u baahan yihiin dadkii ay ka ganacsanayeen ee ay ka macaashayeen .
Hadaba waa maxay sababta ay tijaarta dalku u ogaan wayday walaalaooda duunyo dhaqatada ah ee abaarta baahsani ay hayso isla markaana u baahan  in ay waxtar u geystaan oo ay gacan qabtaan isla markaana maanta uga  gurmadaan abaaraha khatarta ah ee dalka ka jira.
Mise waxay u haystaan in maalqabeenada reer Somalilandin aanay noloshoodu ku xidhnayn xoolaha nool isla markaana aanay  waxba  kaga yaraanayn dabar go,a iyo sii jirista xoolaha nool hadka kay ay arini ku dambayso. Waa hubaal haddii xooluhu madhaan in ay saamaynayaan nolosha dal iyo dad ee Somaliland isla markaana aan  la kala macaashayn waxna la kala faa,iidayn,waxaynu ku kala faa,iidno ee aynu wax ku kala iibsanayaa waa dhaqmaadka xoolaha nool waxaanan wada ogsoonahay in aanu jirin guri ka mid ah dalka Somaliland oo ka qadi kara oon xoolaad maalin kaliya. Hadaba miyaanay inagu wada waajib ahayn in aynu u gurmano walaalaheena xoolo dhaqatada ah ee abaaruhu ku dhufeen una baahan in aynu ka taakulayno abaaraha saameeyay ee duunyadiina ka qaaday dadkiina haliska ugu jiraan in ay u dhintaan.
Dadka abaartu haysaa waa kuwa gur gurshaaga u looga reer magaalka u soo hoyda
 
Waxaynu wada ogsoonahay   qoyska reer  miyiga ahi in ay yihiin ka  ugu deeqsi san dadka reer Somaliland qofka u soo hayda ee martida u noqda u gawraca neef xoolo sh oo aan reerku kalidood gawracdeen,waa reer miyiga ka aynu  martinoi marka aynu u baahano in aynu qoys cusub dhisno ee nin aroosanayo ee duunyo ku xooleeya,reer miyiggu waa ka magaalada inagoo joogna subag iyo mqmadba inoogu keena hadyad.
Hadaba miyaan reer magaalku abaalka gudi karayn mise danteena oo kaliya ayaynu nagqaanaa oo aynu u joognaa isla markaana ka inaga jilicsan warkiisa uma baahnin.
Ugu dambayn maal qabeenka reer magaalka ah waxaa la gudboon in ay gacan walaalnimo iyo mid islaamnimoba ay u fidiyaan walaalahooda baartku ka saartay duunyadii ay haysteen ee ay ku noolaayeen iyaguna halista nololeed ku sugan.
 

Leave a Reply