Nolosha adamaha dhamaantii waxa sal u ah dhaqamo iyo Diin bulshooyinkana kala sooca, kuna qiimeeyaan samaan iyo xumaanta xadigooda, kuna ladhantahay xal u helidooda iyagoo adeegsanaya curfiga iyo edaabta guund ee guunka ah, guna u tahay kuna dhisan sadarada diinta, ama haddii qaab kale u noolshahay bulshadaasi.
Dhawrsanaatu waa mawduuc guddo balaadhan, waa astaan asluub iyo edaab hufan hoy u tahay lana baha akhlaaqda oo kasii gudo balaadhan. balse in yar baynu dul istaagi dhawrsanaanta guud ahaan. Waa dar ay kawada cabbaan dhamaan qaybaha kala duwan ee mujtamacu midkastaan ka cantoobsado qaddarka ay gacantiisa qalbiga ku xidhani u qaadi karto ama ku dirqiyo nafta, oo jecel u hogaaminta dhinaca dhaqanada hoose ama liita. Dhawrsanaantu waa tilmaan qurxoon oo qaabsan qiime wacana u yeesha cidkasta oo ku sifawda gadduhuu doono ha ahaadee, taa kasoo horjeedkeeda cidkastoo ka fogaata dhawrsanaanta waxa faydma foolxumadiisa filkasta ha ahaadee,una sii kal xeel dheer yihiin dhinaca jinsiyada iyo dad gaara oo u nugul daawaca soo gaadha dhawrsanaantooda,miisaanka lagu cabirana u ah cidda uu ficilka ka dhacay gadaheeda iyo goobta uu ku sameeyay taasi oo ay is barkan yihiin yuhuunta guud ee bulshadu kaga dareen celiso ficilada tolmoon iyo kuwa laga yakhyakhsoodo kuna qotama isla qaadashada bulsho qaab aan laga wadda tashan , balse si iskumida marqudha looga wadda falceliyo sax ama qalad.
Haddaan yar kala qaadno heerarka dhawrsanaanta bulsahda dhexdeeda u kala mudan yihiin sida ay marka horeba u kala muddan yihiin dadku dhinaca ixtiraamka, uguna horeeya waayeelka guud ahaan rag iyo dumar ku soo caana maalay dhaqanka suuban, sadna u ah muddo dheeroo soo jireena, maggacoodaa si fudud looga dheehan karaan oo ah waayeel. mmada Islaamkana la faray in la ixtiraamo qofkasta oo Islaamnimo ku ciroobay haddalkiisa iyo ficiliidiisana qaddarin loo muujiyo, wax badan oo maanta jirana tallo wanaagsan oo ay lahaayeen baa udub dhexaad u ah, dhawrsanaanta badan ku heleen ficilo ama haddalo badan oo dhawrsan oo laga akhrisan karo noloshooda guud iyo gaar ahaaneedba .
Sidaa daraadeed iyana waxa culays leh wax kasta oo agmarsan dhawrsanaanta waayeelka ee kasoo fula, waala dareemi kartaa haddaan kasoo qaadano halka oo ka fudud ficilka in la yidhi (Nin wayn oo haddal ka dhacay waa geed qolafka dhacday) haddalkaasi oo si xeel dheer farta ugu fiiqaya in eray qaldan oo waayeel ka dhacay aanu helayn wax garaabida inkastoo aynu nahay Aadame daciifa oo la inoo abuuray in aan dambaabno oo la inoo dambi dhaafo,sir culusina ku jirto,khaladka waayeelka in dulqaad yari lagu qaabilayaa waa mid cad. waxa jira in Maddaxda,Culimada,dhamaan hormoodka, ay dhawrsanaantoodu ka sii xeel dheertahay ta dadka caadiga ah loona baahan yahay is ururin badan, taasi oo khaladkoodu yahay tuke baal cad.
Aan yar dul istaagno iskuna qaadimayno sida waayeelka aan iskugu qaadnay lab iyo dhedig oo mid kasta dhawrsananatiisa si gaara u yar dul istaagno. dhalinta waynu yar kala qaadi, runtii haddii waayeelka haddal lagu qabsaday dhalinta dhaqanka Soomaaligu si fiican buu ugu cudurdaaray waxaanu siiyay fursad isa sixid ah, oo waxa la yidhi ( dhalinyaro intay geed ka boodaan bay talo ka boodaan) taasioo inoo sheegaysa in talo dhan oo ay si guracan u qaloociyeen loogu garaabay kana duwan yihiin waayeelka taasi oo inoo iftiiminyasa dhawrsanaantu sida ay u leedahay heerar iyo khadad cas cas iyo kuwo cagaaran labadaba. Waan garan karnaa faraqa u dhexeeya eray iyo talo. Markaa dhawrsanaantu qiimaheedu wuxuu la siman yahay heerarka dadka oo kala duwan. Halka meelo kale lagu cabiro qiyaaso kale .
Wiilasha iyo gabdhuhu guud ahaan waa aabayaashii/hooyooyinkii bari iyo Sallaadiintii mustaqbalka iyo Maddaxda la sugaayo, waxa sugaya xilgudasho u baahan barbaarin bilaw la ah dhalashadiisa waa hadba sida uu waalidku ula tacaalo iyo waafajinta rabi oo sunne Rabaaniya ah, dadaalkuse waa mid la ina faray in dhawrsanaan lagu barbaariyo sidii dadkii hore ee wanangsanaa oo Quraanka kariimka ah ku Xusan sida Luqmaan Inu Xakiim markii uu waaninayay wiilkiisa haddaad u fiirsato Aayadaha ka haddlaya ee suurat Luqmaan waad yaabaysaa sida xeesha dheer ee uu u huga tusaalaynayo Aayadaha ka bilaabma (Suurat Luqmaan 13-19) waana ciwaano waawayn oo farwaayn ku qoran, qofkastaana fahmi karo sida uu u balbalaadhiyay dhawrsanaanta iyo eedaab oo idil. Taasi baahideeda la dareemi karo wakhtigan xasaasiga ah, tusaalaha ugu habboon ee dhawrsanaan oo dhana iksu fuuqsaday .
Qaab nololeedka dhalinta guud ahaan waa wax lagu farxo sida ay wax u bartaan iyo qaabka horumarsan ee ay u fikiraan iyo dareenkooda oo heersare gaadhsiisan, waana maxsuulkii waalidiin badan iyo macalimiin badan, iyo jaamacadaha,bustaha guud ee nabada iyo amaankuna sii badhi taaray in si sahala u fuulaan kaabadaha nolosha ee kala duwan. Taasi waxaa barbar yaala oo sunnaha noloshu keenaysaa in dhawrsaantu dhaawacanto mararka qaarkood oo dhalin gaari ay sameeyaan ficilo lidku ah Diinta iyo curfiga qaab nololeedka bulshada, oo saamayn toosa iyo mid dadbana ku yeelata dadka iyo dalkaba .
Dhawrsanaan la’aanta ugu waynee maanta jirtaa waxa weeyaan maxsuulkii in gabi ahaanba laga jeedsaday barashadii diinta taasina keentay in jahli badan dhaco oo dhalintu ay kala garan waayaan maxaa dhawrsanaan ah iyo maxaan ahayn. Taasi oo laga dhaxlay ficilo shoog iyo yaab ku noqda bulshada mararka qaar, oo ay ugu wayntahay dhibirsanaan la’aanta waalidka oo noqotay shay iska caadiya in wiilku dhibo waalidiintii, kamida dambiyada waa waynee dhawrsanaan la’aantana sal u ah, qof aan waalidiintii dhawrsanaan kula dhaqamin waxba u tari mayso haddii uu bulsahda kale sifican ula dhaqmo waana dhaqan hadda soo batay, takale waxa jira guddashada waajibaadka Alle Swt oo in badan ay hilmaameen cid ka damqanaysaana yar tahay waayo qofkan lama barinba waynida Allaah Swr, taasi oo ah dabarka kaliye ee qofka qabta. Waxa jira ficilo badna oo kasoo horjeeda dhawrsanaanta balse haddii 2 qodob ee waawyan aan kasoo gudubno oo aan kuwo yaryar mid iyo laba ka xusno waxa cajiiba in isdhexgalka wiilasha iyo habluhu …. Waxa Xiga Qayb 2aad haddii Allaah Swt idmo,Ahmedckahin@gmail.com
HA HILMAAMIN XUSKA RABI.