Hargeysa (Dawan)- Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida ee Somaliland, ayaa dil toogasho ah ku xukuntay C/risaaq Maxamed Khayre oo ah askarigii khamiistii todobaadkii hore dilay taliyihii ciidanka birmadka ee gobolka Saaxil Alle ha u naxariistii Xidigle Aadan Guuleed Daahir (Talaabo).
Guddoomiyaha maxkamadda Sare ee ciidamada gaashaanle Maxamuud Xirsi Faarax oo shalay magaaladda Berbera kaga dhawaaqay xukunka dilka ah,waxaanu yidhi “Markii aanu aragnay xukunkii maxkammada derajada Koowaad ee ciidamadda ee ay ku dhawaaqday 18/12/2015. Markii aanu aragnay danta guud ee cadaalada. Waxa maxkamadda sare ee derajada labaad ee ciidamada qalabka sida Somaliland ku xukuntay gacan ku dhiiglahan dil, maadaama oo uu taliyihii ciidankiisa uu si badheedh ah ugu toogtay, iyadoo wax sabab ah oo uu u dilay sheegi kari waayay ee ay ahayd wax uu isagu goostay in taliyihiisa dilo. Laakiin aanaan ogaan in cid kale ka dambaysay manaanu helin xog caynkaas ah. Sidaas ayuu go’aankii maxkamaddu ku dhammaaday.”
Geesta kalena Maxkamadda derajadda koowaad ee ciidammadda ayaa jimcihii la soo dhaafay xukun dil ah ugu riday askarigaas lagu helay inuu si badheedh ah u khaarajiyay Taliyihii ciidanka birmadka gobolka Saaxil.
Dawannews Hargeysa office