Khubarrada Japan Oo Soo Saartay Kamarad Tuugta Uun Loogu Tallo Galay Inay Qabato

0
377

Khubarada dhinaca qalabka Technology-ga wadanka Japan ayaa soo saaray kamarad cusub oo nooceedu ku cusub yahay caalamka,taas oo loogu talo galay in guryaha lagu ilaaliyo laguna ogaan karo tuugta.
Kamaradan ayaa ah mid duulaysa,taas oo lamid ah kuwa diyaaradaha yar yar ee ciyaaraha lagu duubo,waxaanay sawiraysaa cid walba oo tuug ay ku tuhunto wejigeeda iyo sidoo kalena gaadhiga ay wataan bilaydhka ku xidhan.
Kamaradan ayaa ah mid marka hore lagu guraayo sawiradda iyo magacyada dadka u diwaangashan ciidamada wadanka Japan ee amaanka,kuwaas oo kooxda samaynaysa kamaradan ka caawinaaya sidii ay kamaradaasi u gelin lahaayeen magacyada tuugta iyo dadka dembiileyaasha ah ee dalkaasi caanka ka ah.
Diyaaradan yar ayaa qofkaasi sawir ka qaadaysa ,iyada oo si toosa ugu diraysa xarunta laga hago iyo xarumaha ciidamada Amaanka ee ugu dhow ama meeshaasi ay ku sugan tahay qaabilsan.
Shirkadda samaysay kamaradan oo lagu magcaabo Sekem Sekem Company ayaa ah mid tijaabooyin kala duwan ku samaysay kamaradan,waxaanay noqotay shirkadii ugu horeysay ee kamaradan samaysa caalamka,waxaanay diyaaradani duuli karta masaafo aad u dheer iyada oo ku socota xawaare dheer,waxaanay duuli kartaa masaafo dhan ilaa 6 mile saacadiiba.
Kamaradan ayaa la mid ah ta lagu xidho guryaha,bakhaarada iyo meelaha ganacsiga hortooda,iyada oo lagu kordhiyey arag fogeeye iyo dhoweeye (Zoom) dheeraad ah.
Diyaaradan ayaa qaadaysa sawiro iyo warbixin ku saabsan qofkaasi lagu tuhmaayo dambiilaha,sidoo kalena wejigiisa iyo qaabka jidhkiisa ayaa ah kuwo la ogaan karo,waxa kale oo intaasi dheer dharkiisa oo noociisa la helaayo markaaba,iyada oo gaadhiga uu ku galay falkaasina la heli karo.
Sida lagu sheegay website ka ganacsiga ee Angiget qiimaha diyaaradan ayaa waqtigan maraysa halkii ugu saraysay waxaanay suuqyada ku taalaa ama lagaga iibsanayaa lacag dhan ilaa $6620,taas oo ay dheer tahay lacag kharashaad ah oo bil ah oo gaadhaysaa ilaa $41 dollar.
Diyaaradan ayaa waqtigan sidoo kale la waafajinayaa sharciyada dhinaca hawada ah ee wadanka Japan,iyada oo ay shaqadeeda si toosa u bilaabayso 11 December,halka ugu horeysaana noqon doonto magaalada Tokyo.
 
 

Leave a Reply