Carruur Lagu Gowracay Deegaamo Ka Tirsan Gobolka Sool Oo Walaac Ku Abuurtay Bulshadda

0
414

Nin Ka Sheekeeyay Fal Bahalnimo Ah Iyo Wiil  Yar  Oo Uu Dhalay  Oo Lagu Gawracay Duleedka Laascaanood

 By: Khadar C.Muuse

Laascaanood (Dawan): Deegaanka  yidhaahdo  Daba-taag oo magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool u jirta 48 KM ayaa waxa toddobaadkan lagu gow-racay    ilmo yar oo  saddex sanno jir ahaa. Ilmahaasi  ayaa  qoyskiisu    sheegeen in laga qaatay ardaaga gurigooda.

 Maxamuud Yuusuf Xasan,  oo ah aabaha  dhalay wiilkaasi oo la hadlay idaacadda   VOA   ayaa  sheegay in wiilkiisu uu dhaawicii gorwacaasi ka soo gaadhay  ugu   dhintay cusbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa. Waxaanu  sheegay in Baadi goob  ay ku jiraan dadka degaanku  sidii loo soo heli  lahaa qofkii ka dambeeyey falkaasi, waxaanu yidhi “Ilmahayga waxaa laga qaatay ardaaga gurigayga, guryaha baadiyaha waxaa loo sameeyaa ardaa hore, ardaagaas ayaanu qofku ilmaha ka qaatay. Meel  100MT ii jirta markii uu la marayay ayuu qofkaasi ilmaha yar legday,  dabadeedna tooray uu sitay ayuu ku garacay. Gabadhii yarayd ee ilmaha ilaalinaysay, waxay tidhi    dee ilmuhu saddex jir ayuu ahaa oo marka uu ka farro-baxsadaba dhirbaaxo iyo garaacis ayuu ku leg-dayay. Anigu weli meeshaydii ayaan iska deganahay, dhacdaduna waxay ahayd  saddex maalmood ka hor ayay ahayd arrintu.”

Waxaanu intaasi ku daray “Anigu ilmaha maan arag, oo intii aanan  soo gaadhin meesha ayaa  waxaa yimid baabuur iyo niman ciidan ah, ayaa iiga soo horeeyay. Markii ay dumarkii u yimaadeen ayaa waa kale oo u yimid nin oo ilmaha yar duubay, isna markii uu duubay kadib ayuu is  yidhi cadowgii baadi doon. Nin kasta oo meesha yimaadaaba wuxuu is lahaa, buurta ayaa loo baxsadaaye buurta u baadi doon cadawgii. Gurmad tuuladda Kala-baydh ka yimid iyo baabuur ayaa ilmaha yar qaaday,” ayuu yidhi Maxamuud Yuusuf Xasan. Aabaha dhalay ilmahan la gawracay   waxa kale oo uu sheegay in markii dhacdadaasi kadib la is-waraystay in la ogaaday in wiilkiisu uu yahay ilmihii saddexaad ee sidan oo kale loo gawracay. “Degaanka daba-taag haddii la is-waraystay waxaa la ogaaday in ilmahani uu yahay kii saddexaad, isaga maahee wax kale oo nolo loogu yimid ma jirin. Laba ilmood oo ka horeeyay ayaa degaankani lagu cunay, oo labadiiba dhiiga inta dhamaystay la isaga tegay.

Ilmahayga markii hore  tuuladda Kala-baydh ayaa loo qaaday, dhakhaatiirtii halkaa joogtayna waxay yidhaahdeen waxba lagama qaban  karro, kadib Laascaanood ayaa la geeyay,  Laascaanood-na dhakhaatiirtii joogtay waxay yidhaahdeen waxba lagama qaban karro,  Burco ayaa la geeyay,  Burcna dhakhaatiirtii waxay yidhaahdeen waxba kama qaban karno, Berbera ayaa la geeyay, Berbera-na sidii oo kale ayaa la yidhi waxba kama qaban karno, kadib Hargaysa ayaa la geeyay ilmihii yaraa, Hargaysa ayaanu ku dhintay ilmihii”. Ayuu yidhi aabaha dhalay wiilkaasi yare e la gawracay. Ugu dambayn Maxamuud Xasan oo la waydiiyay waxa uu ka codsanayo ummadda Soomaalida ah, waxa uu yidhi “Horta ILLAAHAY ayaa wax caawiya, hase yeeshee caawimo anigu waxaan u baahanahay cadawgaa  arladda jooga, cadawgaa sidii wax looga qaban lahaa ayaan  ummadda ka codsanayaa.”

Leave a Reply