“Waxaad Ku Arkaysaa Sool Iyo Sanaag Dad Agab iyo Dhaqaale Aan Haysan Haddana Sharciga Dabaqaya”

0
384

By: Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan)-Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadan Xaaji Cali  Axmed, ayaa sheegay in maxkamaddaha Gobollada Sool iyo Sanaag iyagoo aan haysan qalab isla markaana ku shaqeynaya duruufo adag ay haddana dabaqayaan sharciga iyo kala dambaynta.Aadan Xaaji Cali oo u waramayay Telefishanka caalamiga ah ee HCTV oo wax ka weydiiyay socdaal bahda caddaalladu ku soo mareen gobollada bari ee dalka ayaa waxa uu sheegay in uu is bedalay dhaqankii bulshaddu, Isla markaana dadku doonayaan in xaq iyo xaq darraba loo xukumo kiisas dacwadaha ee maxkamaduhu qaadaan.

“Waxyaabaha  noogu la yaabka badnaa waxa weeye dadkeennii way is bedaleen,  qof waliba waxa uu doonayaa xaq iyo xaq darraba in loo xukumo isagoo qiraya in aanu meelna ka soo gelin kiiskaas, haddana toban sanno dacwad ku jirayaa.  Waa  in bulshadda  laga wacyi geliyaa arrintan  oo damiirkii la soo celiyo. Waxa aad arkaysaa qof 200km  oo isku weera oo miyi ah oo dhul daaqsimeed ah oodanaya. Markaa qofka sidaas u dhaqmayaa halkee ayuu ku socdaa?”Ayuu yidhi Guddoomiyaha maxkamadda Sare. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in gobolladii ay socdaalka ku tageen ay ku soo arkeen waxgarad aan ciddii wax dulmaysay ka qabanaynin. “Ummadda dhaqankeedii baa is bedalay, Garsoorka oo kaliyi waxba kama bedali karo. Waayo bahda Garsoorku dacwad uun bay qaadayaan.waxa jira in qofkii gardarnaa aanay waxgaradkiisii qabanaynin ee ay taageereyaan aad arkaysaa,”ayuu yidhi Aadan Xaaji Cali Axmed. Guddoomiyaha Maxkamadda sare waxa uu bogaadiyay hanaanka ay bulshadda ugu adeegayaan Garsooreyaasha maxkamadaha Sool iyo Sanaag, waxaanu yidhi “Waxyaabaha kale ee wanaaga ah ee aanu la yaabnay waxa ka mida. Dad cidlo fadhiya oo aan agab haysan oo aan  dhaqaale haysan  oo haddana cadaalada ay samaynayaan iyo sida ay u shaqaynayaan aad yaabisid ayaa jira. Garsooreyaasha maxkamaddaha Sool iyo Sanaag, iyagoo duruuf adag ku shaqaynaya haddana waxaan ku ammaanayaa inay kala dambaynta iyo sharcigu ahaa mid shaqeynaya.”

Leave a Reply