Dalal Carbeed Oo Somaliland Ku Jirtay Oo Jabuuti Ku Yeeshay Shir Caalamiya Oo La Xidhiidha In La Cidhib-tiro Gudniinka Fircooniga Ah

0
398

“Waxa lagaga wada hadlayay Dhawrista Xuquuqda Haweenka Iyo Dhibaatooyinka Gudniinka Fircooniga Ah” Wasiir Khaliil

By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

Hargeysa(Dawan):-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka qeyb-gashay  shir caalamiya oo lagu qabtay dalka Jabuuti oo ay iskugu yimaadeen dalal ka tirsan jaamacadda carabta iyo Qarramadda midoobay. Kaasi oo lagu falan-qeeyay hanaanka loo cidhib tiro karo gudniinka fircoogniga ah oo culimadii ka qeyb gashay ay caddeysay inaanu raad ku lahayn diinta islaamka.

Shirkan waxa ka qeyb galay dalal ay ka mid ahaayeen Jabuuti, Somaliland, Suudaan, Masar, Soomaaliya, Yeman iyo Kurdistaan, waxaana soo qaban-qaabisay Hay’adda UNFPA.

Weftiga ka socday Xukuumadda Somaliland oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Sheekh Khaliil Cabdilaahi oo ay ka mid ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caddaalada iyo Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Caddaalada iyo Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo ay ka mid ahaayeen  culimo iyo sharci yaqaano ka tirsan labada wasaaradood.

 “Shirkaasi wuxuu ahaa shir weyn oo  lagaga hadlayay dan caam ah,waxaana ka wada qeyb galay dalalka Somaliland,Masar,Soomaaliya,Jabuuti,Yeman, Suudan iyo Kurdistaan. waana shir ay isugu yimaadeen dawladaha carbeed ee uu dalalkooda ka jiro gudniinka fircoonigu waxa  hormuud ka ahaa shirkan oo ka qeyb galay culimada dalalkaas iyo Wasaraadaha Diinta iyo Caddaalada. waxaanan soo qaban-qaabisay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNFPA guud ahaan waxay culimada dalalka ka qeyb galay shirkaasi caddeeyeen in  gudniinka fircoonigu uu yahay  mid xaaraan ah oo aan diinta Islaamka meelna ka soo gelin waxaanan ka soo saaray bayaan lagu caddeynayo in Gudniinka fircoonigu  uu yahay xaaraan.  Waxa kale oo culimada waddamada aanu shirka wada yeelanay ay ku booriyeen wadamadooda in ay Xuquuqda Haweenka ee diinta Islaamku u jidaysay in ay helaan  oo xaqooda  la dhawro,”ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland oo xalay u warramayay Wargeyska DAWAN.

Waxaa kale oo uu sheegay in dalalka ay shirka ka wada qeyb galeen in ay waxyaabo badan kala faa’iidaysteen isla markaana xidhiidh dhow wada yeelanayaan wasaaradaha diinta ee dalalka ay kulankaas iskugu yimaadeen.

Leave a Reply