Fulinta Dilka Ka Hor Waxay Codsatay Arin Aan Dhacayn!

0
391

Dil fuliyaha dalka Masar Xuseen Fiqhi oo lagu naanayso “Cashmaawi”  oo ah kan masuulka jeelka lagu fuliyo dilalka ayaa bishan December  waraysi uu leeyahay barnaamijka “Ifhamu Baqi” Tv Masar ku sheegay ariimaha yaabka leh ee uu kala kulmo dadka dilka lagu fuliyo saacadaha ugu danbeeyay noloshooda.
 
Waxaana uu yidhi “ Marka u danbaysa ee aanu weydiino wuxu codsanyo wax yar ka hor dilkiisa qaarkood waxay codsadaan xubno qoyskooda ka mid ah inay la kulmaan ama cuntooyin gaar ah , laakiin badankoodu waxay naga codsadaan in loo ogolaado inay waysastaan oo ay tukadaan laba rakcadood. Cashmaawi ayaa sheegay inuu fuliyay 1070 dil.
Waxase yaab ah ayuu yidhi iyagoo qaarkood codsada in qofka ay ku balameen guurka la tuso. Arinka haddaba iigu yaabka badnaa wuxu ahaa markii gabadh aan dil ku fulinayn, markii aan weydiinay waxay codsanayso, waxaanay naga codsatay in la tuso looguna yeedho ninka ay  doonayeen inay is guursdaan. Nasiib daro ninkan ay naga codsanaysay mar hore ayaanu dilnay, laakiin iyadu war uma hayn, isaguna markiisii nagama codsan in aanu tusno iyada.
 

Leave a Reply