Cabashada Jabaan ee Shiinaha

0
456

Jabaan, ayaa sheegtay inay cabasho rasmi ah ka soo saartay Beijing oo ku saabsan markab kuwa ilaalada xeebaha Shiinaha iyo labo kale oo soo galay, wax ay Tokyo u aragto biyaheeda oo u dhow jasiiradaha lagu muransan yahay ee badda bariga Shiinaha.
Ilaalada xeebaha Shiinaha, ayaa sheegay in markab Shiinaha oo madaafiic ku xidhan yihiin uu joogay ku dhowaad saacad jasiiradaha lagu muransan yahay ee Senkaku.
Sida laga soo xigtay saraakiil Japan ah, tani ayaa ah tii ugu horeysay oo markab Shiinuhu leeyahay oo hubeysan ku soo galay biyahood u dhow jasiiradaha.
Xiisad ku saabsan cidda leh jasiiradaha aan la daganeyn uu Shiinuhu ugu yeedho Diaoyus, ayaa sare u kacay sanadihii dhawaa.
 
 
 

Leave a Reply