C/Qaadir Jirde Iyo Cabdi Haybe Oo Markii Saddexaad Ku Biiray Xisbiga WADDANI

0
446

Hargeysa (Dawan):- Wasiirkii hore Wasaaradda Beeraha Xukuumadii  Rayaale Cabdi Haybe Maxamed iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaacii Jirde oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland,  ayaa markii saddexaad sheegay inay ku biireen  Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,  oo  Sabtidii todobaadkan xaflad soo dhoweyn ah ugu sameeyey Huteelka Ambassador ee magaaladda Hargeysa.
Labadan siyaasi waxay dhawr jeer oo hore iclaamiyeen inay ku biireen xisbiga WADDANI, waxase xafladii  xisbigu ugu sameeyay Hargeysa ay noqotay mid jaho-wareer gelisay ra’yul caamka bulshadda,oo qeyb ka ah xisbiga WADDANI oo xaflado uu xubnihiisa maalinba mid u samaynayo ka dhiganayo jid uu taageereyaal cusub ku kasban karo.
Waxay dadku is weydiinayeen waxa keenay in Cabdi  Haybe iyo Cabdiqaadir Jirde oo xisbiga muddo ku soo jiray ay haddana imika  looga dhigay siyaasiyiin cusub oo ku soo biiray.
 
Xildhibaan C/Qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde waxa uu dalka Ingiriiska ka sheegay inuu ku biiray WADDANI 31-kii December 2014-kii. Sidaas si la mid ah haddana waxa uu dalka dib ugu soo laabtay  19-kii March 2015, xilligaasi oo uu warbaahinta ugu sheegay madaarka Hargeysa inuu ku biiray WADDANI.
:”Mawqifkayga xisbiga WADDANI wuu cad yahay waxaan ku biiray oo aan ka mid ahay xisbigaas oo aan arko inuu dalka dani ugu jirto,”Ayuu yidhi Xildhibaan Jirde markii uu ka soo degay madaarka Hargeysa oo masuuliyiin iyo taageereyaal ka tirsan xisbiga WADDANI kaga hor-tageen Madaarka Hargeysa.
Geesta kalena, Wasiirkii hore ee Beeraha Xukuumaddii Rayaale, Md. Cabdi Haybe Maxamed, ayaa isaguna lix bilood ka hor iclaamiyay inuu ku biiray xisbiga WADDANI, waxaanu arrintaas  ka caddeeyay  xaflad hadhimo sharafeed xisbiga WADDANI u sameeyay madaxweynihii Hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin 14-kii Bishii June 2015.
Haddaba waxa is weydiintu tahay ma xisbiga ayaa arrintani siyaasadiisa tahay, mise labada oday ayaa  aamini waayay inay xisbiga WADDANI yihiin oo u baahday In Fagaare loogaga dhaaro inay xisbigaas ka tirsan yihiin.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply