Cuqaasha Buuhoodle Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Ka Shaqaysiiso Hay’adaha Dawladda Ee Gobolka

0
429

Buuhoodle (Dawan): Qaar ka mid ah cuqaasha gobolka Buuhoodle ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay ka shaqaysiiso hay’adaha dawliga ah ee gobolkaasi, iyagoo sheegy in aanay jirin wax shaqo ah oo hadda gebi ahaanba gobolkaasi jirtaa.Waxaanay  xukuumadda ku dhaliileen in ay ka gaabisay  ka shaqaysiinta hanaankii loo baahnaa ee hay’adaha dawliga ah ee gobolka Buuhoodle, taasi oo keentay in ay meesha ka baxdo wada shaqayntii bushadda iyo maamulka ee dhinacyadda amniga iyo adeegyadda bulshadda.
Cuqaashani oo shalay soo saaray baaq ay arrintaasi kaga hadlayaan oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay wargeyska DAWAN, waxa kale oo ay ku soo qaadeen  baaqoodda heshiisyo nabadeed oo degaanka gobolka Buuhoodle ka dhacay iyo natiijooyinkii ka soo baxay.Caaqil Cabdicasiis  Jaamac  oo ka mid ahaa cuqaasha baaqa soo saartay, isla markaana  ku hadlayey afka cuqaasha ayaa yidhi    “Guud   ahaan   xaaladda guud ee gobolku waa nabadgelyo, nabadaasina waxay   ka soo bilaabatay shirwaynihii  Coodanle natiijadiisii.    Intii    ka danbaysayna waxaa  dhacay  saddex    gacmood kuwaas oo laba ka mid ahna ay wanaag ku dhamaadeen, ta kalena xaajadeedii lagu jiro meel fiicana ay marayso.  Run  ahaantiina ma jiro wax mar wada dhamaadaa hase ahaatee colaadii guunka ahayd ee aan meel raaco lahayni waxay noqotay mid maanta lagu kala jid qaadanayo qof walibana waxa uu gaysto ay isaga gaar u tahay sida shirwaynahaa nabadeed qodobadiisii  ku xusnaa.” Marka  la eego dhinacyada baahiyaha adeega bulshadda iyo tayaynta maamulka ee Buuhoodle uu hakad ku kaga jiro dhinaca xukuumada Somaliland ee bulshada   Buuhoodle ay diyaar u tahay inay wax la qabsato xukuumada, waayo waxaan jirin maamul tayo leh kaasi oo ay noogu  muuqato inay ka maqan tahay awoodii ka shaqaysiineed ee xukuumada.  Waxaan  jirin gebi ahaanba ciidankii booliska oo garab-na siin lahaa marka wax dhacaan,  mana jiro wax maamul ah oo heer gobol iyo heer degmo oo gobolkan ka hawl galaa sababtaasna,  waa mid aanu dhaliisheeda saarayno xukuumada” ayuu yidhi C/casiis Jaamac.
 
Waxaa  kale oo uu caaqilku xusay in ay jiraan oo aanu ognahay in dhamaan maamulka iyo hay’adaha dawliga ah oo dhami wada magacaaban yihiin hadana aanu jirin hal xafiis oo shaqeeyaa.  Waxaanu yidhi “Badhasaabkii, taliyihii qaybta booliska iyo maayorkiiba waxay muddo dhawr bilood ah ku soo maqan yihiin caasimada Hargaysa waxaanuna u qabnaa inay ku fadhiyaan halkaa wax ka qabyo ah oo u qabsoomi la’a.  waayo  waa maamul oo haddii aan joogistooda la ogayn iyo sabab ay u joogaan iskama fadhiyeen,  ee amar dawladeed ayay ku shaqeeyaan”.
Magacyadda Cuqaasha  baaqa  soo dirtay waxay kala yihiin
Caaqil C/casiis Jaamac Axmed
Caaqil Cawil Maxamed Xasan Dayl
Caaqil Faarax Maxamed Aadan Caws
Caaqil Maxamed Nuux Maxamed (sanwayne)
Caaqil Maxamed Ismacil Gurux
Caaqil Axmed Diiriye Jiije
Caaqil Axmed Cabdi Hiirad
Caaqil Axmed Xasan X Cumar
Caaqil C/KHaalaq Ismaaciil Muuse.

Leave a Reply