Waxa jira sharciyo iyo qawaaniin kala duwan oo dalalka dunidu ku dhaqmaan. Waxaana dhacda arrin dal u banaan in dal kalena ay ka tahay mamnuuc. Dalka Singphore waxa mamnuuc ka ah in la geeyo xanjada la calaashado tan iyo sanadkii 1991, iyadoo sharcigaasi la raacayana ma geyn kartid xanjo dalkaasi adigoo ganacasi ahaan u socda ama hab kaleba u wada sida hadyada ahaan iwm.
Dalka Kanada ayaa isna sidoo kale ay mamanuuc ka tahay in la geeyo furaashayada sariiraha ee la isticmaalay , waxaana ay sheegeen inay aamisan yihiin inay keenayaan xasharaadka ku dhasha hoyga hurdada, iyo weliba iyagoo sheegay inay dab keeni karaan.