Markii Ay Miskiinad Caawisay ayay Bogsatay!

0
391

Gabadha  shaqaalaha guriga marka kasta  oo ay xamaamka maydhashada gasho aad ayay ugu raagi jirtay. Gabadhii guriga lahayd ayaa markii ay aad uga yaabtay weydiisay sababta ay ugu raagto biyaha?
 
Gabadhii shaqaalaha ahayd ayaa bilowday oohin oo muddo kala joojin weyday. Hooyada qoyska ayaa weydiisay sababta ay la ooyayso. Jaariyada ayaa tidhi “ Labaatan maalmood ka hor ayaan wiil umulay, ka dibna xafiiska Indoniisiya ee shaqo geynta oo aan hore codsi u geystay ayaa ila soo xidhidhay inay shaqo iiga hayaan Sacuudiga, sidaasina ayaa halkan ku imi, markaa naasahayga caanihii ka buuxay ayaan ka khafiifiya.
 
Islaanta qoyska ayaa naxday waxayna markiiba ku tidhi “ ku noqo dalkaagii waxaan ku siinaya nooligii, iyo labada sanadood ee aad naaska  nuujinayso mushaharkoodii, markay dhamaadaan nagu soo noqo anaga ayaa shaqada ku haynee, telefoonkii ayay ii qortay” . Sidaasay ku fasaxday.
 
Islaanta qoyska oo ayaa balan la lahayd dhakhtarka si uu eego heerka uu marayo xanuun kansar ah oo hayay. Laakiin baadhistan dhakhtarku waxba wuu ka waayay, markaai ayuu haddana ku celiyay waxaana uu ogaaday in heerka kansarka Islaantu uu taagan yahay 0%, isagoo saaray dhamaan qalabkii lagu eegayay.

Markii uu ogaaday isaga iyo dhakhaatiirta kaleba inay bogsatay ayuu weydiiyaya dawada ay qaadatay waxaana ay ugu jawaabtay  xadiiska Rasuulka (scw) ee ah “ Bukaankiina ku bogsiiya sadaqo”.

Leave a Reply