Xildhibaanno Ka Dayriyay Abaarro Ba’an oo Ka Taagan Gobollada Somaliland

0
433

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan) iyo xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa walaac ka muujiyay abaar baahsan oo ka jirta goboladda galbeedka dalka iyo Maroodi-jeex iyo Hawd.
Labadan Xildhibaan  oo shalay warbaahinta  si wada jir ah  ula hadlay ayaa waxa ay sheegeen in abaar kulul oo dad iyo duunyaba samaysay ay ka jirto gobolada galbeedka, Maroodi-jeex iyo Hawd.  Waxaana ay xukuumadda ugu baaqeen in gargaar degdeg ah ay gaadhsiiso dadkaas abaaruhu ay saameeyeen.
“Gobolo dalka ka mida waxaa ka jira abaaro baahsan oo dadku aad u liitaan, gaar ahaan gobollada galbeedka, siiba gobolka Maroodi Jeex, gobolka Gabilay iyo Gobolka Awdal. aad iyo aad ayaa dad iyo xoolaba loo liitaa, biyo la’aan ayaa taagan iyo baad la’aan. Dadkaas oo beeralay ahaa laba sanno may helin roob,”ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Kacaan.
Mudane Ibraahim Axmed Haybe waxa uu intaa raaciyay  “Sidaa awgeed waxa aanu diraynaa, baaq gurmad ah oo aanu u dirayno xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland. Gaar ahaan madaxweynaha Somaliland, hay’addaha caalamiga ah iyo cid kasta oo Somaliland u dhashay  oo dadkaas tabaalaysan ka naxaya, ee ay ka le’daan xoolihii, waxaana aanu leenahay gurmad  dagdaga oo biyo ah oo cunto ah ha lala gaadho dadkaas tabaalaysanee abaaruhu sameeyeen.”
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac ayaa isaguna waxa uu ka dayriyay abaaraha ka jira gobollada galbeedka iyo gobolka Hawdka, waxaana uu sheegay in nolosha dadku halis ku jirto waxaana uu yidhi “Goboladda galbeedka oo dhan iyo gobolka Hawd waad yaabaysaa sida ay ku nool yihiin dadka dagan deegaamadaas, iyo xoolihii ay dhaqanayeen, dadkii ayaa dhimasho ku dhow,  markaa waxa aanu leenahay xukuumadda Somaliland iyo dadka reer Somaliland,  waa in biyo iyo raashin la gaadhsiiyo dadkaas, waxba dadkaasi kuma  noola,”
Xildhibaan Nacnac waxa uu u soo jeediyay guddidii  madaxweynuhu u magacaabay abaaraha inay soo qiimeeyaan abaaraha ka taagan gobollada dalka, waxaana uu yidhi  “Waxaan leenahay waa in ay si deg-dega u baxaan guddidii abaaruhu oo ay u soo arkaan abaaraha dalka ka jira, waana in lala gaadho wixii raashin iyo biyo ah dadkaas.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply