Gobol ka mid ah wadanka Hindiya ayaa markii ugu horeysay noqday madaarkii ugu horeyeeyey ee caalamka ku shaqeeya falaadhaha cad ceeda ,iyada oo looga faa’idaysanaayo qalabka loo yaqaano Solar-ta.
Magaalada madaarkani ku yaalo ayaa lagu magcaabaa Kochi,waxaanay ku taalaa gobolka ama is maamul hoosaadka Kerala,waxaanu noqonayaa maraadkaasi madaarkii ugu horeeyey ee ka faa’idaysta falaadhaha cad ceeda,iyada oo hadda la waddo qaybihii ugu dambeeyey ee rakibaada qalabkaasi.
Madaarkan ayaa marka qalabkani la dhamaystiro noqon doona madaarkii saddexaad ee lagu tijaabiyo,iyada oo hore loogu soo tijaabiyey madaarada Pulkovo International Airport oo ku yaala wadanka Ruushka iyo madaar ku yaala Pakistan.
Madaarkan waxa lagu rakibay qalab aad u tiro badan oo loogu talo galay inuu soo jiito falaadhaha cad ceeda,kuwaas oo gaadhaaya ilaa 46,000 oo Solar ah,sidoo kalena dhulka loogu talo galay in la dhigo qalabkaasi ayaa gaadhaaya ilaa 182,000 mitir.
Mashruuca qalabkan lagu rakibaayo ayaa bilaabmay sannadkii 2013 kii,iyada oo sidoo kalena balaadhin iyo casriyeyn lagu sameeyey madaarkaasi,waxaana si rasmi ah xadhiga looga jari doonaa mashruucan oo ay ku badashay mashiinadii uu isticmaali jiray.
Qalabkan ayaa lagu sii xidhay kaydiyeyaal dheeraada oo haddii daruuri qariso cad ceeda lagu bedeli karo Solar-taasi,sidoo kalena kayd u noqon doonta madaarkaasi.
Home Barnaamijyada Madaar Hindiya Ku Yaala Oo Noqday Madaarkii Ugu Horeeyey Ee Falaadhaha Qoraxda...