“Mashaariicdani Waxay Qeyb ka Yihiin Balan-qaadyadii Socdaalkii Madaxweynaha Somaliland”

0
339

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka  wasaaradda maaliyada iyo Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa ku wareejisay Wasiirka caafimaadka Dr.Saleebaan  Xaglo Toosiye, dhismaha xarun caafimaad oo laga hirgeliyay deegaanka waddo  Makaahiil ee gobolka Maroodi-jeex.

Dhismaha Xaruntan caafimaad ayaa ka dambaysay ballan qaad uu madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ugu balanqaaday deegaankaas, wakhtigii uu safar shaqo ku marayay gobolada kal-hore,waxaana dhaqaalihiisa bixisay wasaaradda maaliyada, iyadoo  xadhiga laga jaray dabayaaqada sannadkii hore.

 “Xaruntan aynu hore xadhiga uga jarnay, maanta waxaanu u soconaa aniga iyo Wasiirka caafimaadku in ay xaruntani bilawdo adeegyadii loo asaasay, annagu ka wasaarad ahaan si gaar ah ayaanu u bixinay kharashka laydhka soolarta ah, maadaama baahi laydhi jirto,”ayay tidhi Wasiirka Maaliyaddu.

 

Wasiirka maaliyadu waxa kale oo ay intaa ku dartay “Sida aad ka warqabtaan, barnaamijka badbaadin dhalaanka iyo hooyada waxa hormood uga ah dalka marwada koowaad ee qaranka Marwo Aamina Sh. Maxamed   Jirde ( Aamina Weris). sida aanu ka war qabnana, maanta  way farxad gelinaysaa tallaabadan aanu qaadnay, xukuumad ahaana waxaa naga go’an in aanu guud ahaan bulshadeenna reer Somaliland aanu ka haqab tirno intii kareenkeenna ah baahiyaha aasaasiga ah, sida caafimaadka, biyaha, waxbarashada iyo kaabayaasha kale ee dhaqaalaha.”

Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa kale oo ay tidhi “Intii xukuumaddani jirtay waxyaabo badan ayaa laga qabtay deegaankiinan(wado-makaahiil), tusaale ahaan, ceel biyoodkaa oo ay ka cabayaan xoolihii iyo dadkiiba maanta oo ay tahay wakhti adag oo jiilaal ah, dugsi waxbarasho oo aan ka hirgeliyay wakhtigii aan ahaa Wasiirka waxbarashadda iyo xaruntan caafimaad ee aynu maanta taaganahay, intii aanay xukuumadani tallada qabanna waad ogaydeen sidii ay ahayd halkani, oo runtii ahayd kayn cidlo ah, waxaana la idiinka baahan yahay in aad ilaashataan.”

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiya ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “Waxaan u mahad celinayaa Wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo ka dhabaysay balan-qaadkii madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland wakhtigii uu deegaanka socdaalka ku soo maray sannadkii hore, oo iyada oo aan miisaaniyada ku jirin xil gaar ah iska saartay, waanan ku mahadinayaa.”

Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye ayaa amaanay Wasiirka Maaliyadda oo uu ku sifeeyay qof tusaale wanaagsan u ah xukuumadda, waxaanu yidhi “Marwo Samsam waxa ay ka mid ahayd dadkii gacmahooda ku xaadhay intii aanay xukuumadba ka mid noqon, dadkii gacmahooda ku xaadhay xarunta cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa iyada iyo odaygeedii ILLAAHAY ha u naxariistee, wakhtigii ay Wasiirka waxbarashada ahaydna, inta ay iyadu iskuulo dhistay iyo waxa is leeg intii ay Somaliland jirtay wixii ay dhistay. Waa qof ku wanaagsan arrimaha bulshada oo naxariis badan, golahayaga wasiirradana waxa ay u tahay qof lagu daydo.”

 “Wasiir ahaan waxaan ballan qaadayaa in aan shaqaaleeyo oo ay sannadkan qaataan mushaharka shaqaalihii ka hawl geli lahaa xaruntan, maantana waxaanu keenay qalabkii iyo daawooyinkii, maadaama oo ay Wasiirka maaliyadu ku xidhay laydhkii ay xaruntani ku shaqayn lahayd, Ambalaaskana ay hore u keentay wasaaradda maaliyada,”ayuu yidhi Wasiirka maaliyaddu.

“Sida aad ka warqabtaan barnaamijka umul raaca hooyooyinka iyo dhimashada caruurta shanta sanno ka yar ay marwada qaranku hogaaminayso, wasaarad ahaan aad ayaanu ugu faraxsan nahay in ay fidaan xarumahan dhalaanka iyo hooyadu, waxaanuna hore uga dhagax dhignay xarunta degmada Faro-weyne, haddana waxaanu dhisaynaa cisbitaalkii TB-da, maantana waxaanu dhagax dhignay laba xarumood oo laga dhisi doono  Booli-diidaha iyo  Gabiley. Waxaanan xadhiga ka jarnay xarun laga dhisay deegaanka Dacarta oo ka tirsan degmadd Faro-weyne.  Xaruntan caafimaad ee aanu ka dhagax-dhignay Gabiley waa xaruntii labaad ee intii Somaliland jirtay ay yeelato degmadda Gabiley.”

 

 

Guddoomiyaha degmada Faro-weyne Faysal Maxamed Jaamac oo  halkaasi hadal ka jeediyay waxa  yidhi “Waxaan u mahad celinaynaa wasiirrada  maaliyada iyo caafimaadka oo qaranka Somaliland iyo degmada Faro-weynaba wax weyn taray, waxaanan leeyahay ILLAAHAY ha idinka abaal mariyo dedaalkiina. Wakhtigan degmada waxaa ka jirta abaar baahsan, waxaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa kale ee khayriga ahba ugu baaqayaa  in ay gurmad la soo gaadhaan dadka ku dhaqan deegaankan.  xukuumaddana waxaanu ka codsanaynaa in baahiyaha kale ee deegaanka wax  nagala qabato, waxaana noogu daran  Saldhig bilays.”

Waxa Iyaguna halkaas ka hadlay madax-dhaqameed iyo masuuliyiin kale oo u mahad celiyay xukuumadda oo ay xuseen inay dedaal weyn u gashay sidii ay wax uga qaban lahayd adeegyadda ijtimaaciga ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply