Hargeysa(Dawan): Taliyaha ciidanka Asluubta Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Cismaan Xudhuun ayaa shalay kormeer ku tegay Xabsiga weyn ee degmadda Mandheera iyo Mashruuca dhismaha saldhiga tababarka ciidanka Asluubta. Taliyaha oo ay kormeerkaasi waxaa ku wehelinayey saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka Asluubta. Waxaana uu soo eegay dhismeyaasha hoyga u noqonaya ciidamadda saldhigaasi tababarada ku qaadan doona iyo ciidanka la tababarayaba, halka sidoo kalena ay xog ogaal u noqdeen xaalada maxaabiista ku jirta Xabsiga weyn ee Mandheera. Taliyaha Xabsiga Mandheera Gaashaanle sare Xasan Maxamed X Ibraahin, ayaa ka warbixiyey xaalada maxaabiista, xirfadaha lagu baray xabsiga dhexdiisa iyo mashaariicda horumarineed ee ay halkaa kaga shaqeeyaan. Gaashaanle sare Xasan Maxamed X Ibraahin, oo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maxaabiista meesha laguma hayo ee waxaa la sii baraa farsamooyinkii ay ku shaqaysan lahaayeen. Marka ay mudada xukunkooda dhammaystaan, waxay soo saaraan al-baabada birta ah iyo kuwa looxa ah, daaqado, taangiyada Biyaha, sariiraha burta ah, kabadhada, sanaaduuqda, agabka xashiishka lagu ururiyo iyo qalab kale oo faro badan.”
Dhankoodana maxaabiista xabsiga Mandheera ayaa taliyaha iyo weftigiisa u sheegay sida wanaagsan ee xabsiga dhexdiisa loogu tababaray, mustaqbalkoodana loo dhisay. Waxanay uga mahadceliyeen madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadiisa xilka la iska saaray sidii mudada ay xabsiga ku jiraan ay u noqon lahayd jaamacad ay aqoon ku bartaan.
Mid ka mid ah maxaabiista oo la hadlay weftiga ayaa sheegay in ay yihiin jiil bulshada ka mid ah oo lumay oo hadana la soo helay maantana qayb libaax ka qaadan kara horumarinta dalkooda iyo dadkooda. Waxaana maxaabiistu ka codsadeen taliyaha ciidanka Asluubta in laga khafiifiyo xukunada kala duwan ee ay u xidhan yihiin si marka ay baxaan ay aqoontooda iyo farsamadooda u intifaacsdaan ugana faa’iideeyaan bulshada inteeda kale.
Sareeye Guuto Maxamed Cismaan Xudhuun, oo ciidanka tababarka ku jira dhexdooda kula hadlay waxa uu tafaasiil ka baxayiy qiimaha ay dhismaha saldhiga tababarka ciidanka asluubtu u leeyahay horumarinta tayada ciidanka Asluubta. “Dadka ciidanka noqonaya marka u horaysa ee ay rayidka ka soo dhex baxaan waxaa la keenaa xero tababar, waana meesha uu ku socod barto ee kula qabsado socodka u gaarka ah ciidanka, gaardiga lagu baro. Shuruucda lagu baro ee inuu shacabka ka soocan yahay lagu baro, waxaana uu noqon doonaa saldhigani kii ugu horeeyey ee si gaar ah u ay yeeshaan Ciidanka Asluubtu, anaga oo hirgelintiisa ku bilownay dhismayaashii ay ciidanku seexan lahaayeen,”ayuu yidhi taliye Xudhuun.
Dawannews Hargeysa office