Sadaqadu Waxay Keentaa Caafimaad

0
1059

Rasuulka Allah (scw) ayaa isagoo muslmiinta ku dhiirgelinaya wax bixinta cadeeyay in sadaqadu ay u bakhtiiso denbiyada sida biyuhu u bakhtiiyaan dabka.   Wax bixinta iyo sadaqadu waxay qofka ka ilaalisaa belaayada iyo dhibaatooyin. Caash’ish (RC) Umul mu’miniin , oo sooman ayuu miskiin cunto weydiistay, waxaan u yaalay wax yar oo kimis ah.  Inantii la joogtay ayay ku tidhi sii miskiinka Kimistii inoo taalay. Inantii ayaa ugu jawaabtay  Caa’sha wax kale oo aad ku afurtaa kuuma yaalaan.
Caa’isha (RC) ayaa ku tidhi waa rune iska sii miskiinka. Arinkii oo sidaasi ah aya markii ay casarkii ay ahayd Neef adhi oo hadyad ah loo keenay.  Markaasi ayay Caa’isha (rc) ku tidhi inantii cun kan ayaa ka wanaagsan waxaan bixinay. Qofka wax bixinaya waa inuu lahaada kalsooni fog oo uu Allah ku xidhan yahay (sw).
Waxay wejiga nabaro waaweyni ka soo bexeen Sh. Abuu C/laahi  oo qoray Kitaabka Al-mustadrik , isagooo sanado qabay xanuunkan. Muslimiin badan ayaa u ducaysay, laakiin weli ma bogsan. Muddo danbe ayuu gurigiisa hortiisa uga qoday Muslimiinta goob biyaha lagu shubo oo ay ka cabaan. Todobaad intii aanay ka soo wareegiin ayuu wejigii u bogsaday oo uu noqday mid qurux badan.

Leave a Reply