Dhakhtar Feedhay Bukaankii Uu Dawaynayay

0
443

Maalintii sabtida ahayd ee 9-kii bishan Janaweri Isbitaal ku yaalla magaalada Belgorod ee dalka Ruushka ayuu dhakhtarkii feedh la galay bukaankiisa, kaasi oo keenay inuu miyir beelo ninkii bukaanka ahaa.
Kamarada ayaa muujisay  in dhakhtarku uu feedhka la dhacay ninka bukay isagoo kula jir qolka baadhista oo ku fadhiya sariirta. Feedhkaasi oo qaarkood madaxa kaga dhacay ayaa keentay inuu bukaanku miyir beelo.
Sababta rasmiga ah ayaan la sheegin sida laga oo xigtay warbaahinta dalkaai, laakiin waxa loo malaynayaa inuu jiray is maandhaaf iyo ka dhashay qaabka uu u dawaynayo. Bukaanka ayaa markii feedhka uu ku bilaabay istaagay isagoo feedho qaawan, laakiin muu ahayn mid is difaacayay. Dadkii  dhakhtarka sugayay ayaa naxdin iyo yaab ku dhacay. Arintaasina waxa baadhisteeda gacanta ku haya booliiska.

Leave a Reply